Haweeneydan da’da ahayd ayuu nin toorey ku hubeysan uu Jimcihii ku weeraray iyadoo ku sugan magaalo xeebeedka Herzliya.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in ninkaasi uu dhowr jeer tooreyda ku dhuftay Ludmila Lipovsky oo 83 jir ahayd, ka hor inta aanu isku dayin in uu goobta ka baxsado.
Maamulka Isbitaalka Tel Aviv Ichilov ayaa sheegay in haweeneyda la soo gaarsiiyay isbitaalkooda, iyadoo qabta dhaawac halis ah.
Maamulka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in haweeneydaasi ay u geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray weerarka.
Dhacdadan ayaa ka dhacday Fagaaraha De Shalit ee Herzliya oo ku taala waqooyiga Tel Aviv, sida ay Saraakiisha Booliska sheegeen.
Ilaalada aagga ayaa toogasho ku dhaawacay 28 jir Falastiini ah oo lala xiriiriyay weerarka, waxayna tani ka caawisay hay’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan ninkaasi.
“Xaaladaha ku xeeran dhacdada waxaa ku socda baaritaan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska.
Weerarada shakhsiyaadka ama keli-duulka ayaa ku soo badanayay deegaanada Israel, wixii ka dambeeyay weerarkii dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel ku qaadeen Marinka Gaza.
Weerarada toogashada iyo tooriyeenta ee ka dhacaya Israel ayaa muuujinaya, sida ay Falastiiniyiinta uga carreysan yihiin xasuuqa ay ciidamadeeda ku hayaan dadka Gaza.
Ugu yaraan 31 qof oo isugu jira askar iyo rayid ayaa lagu dilay weeraradan oo kale oo ka dhacay Israel, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka AFP oo ku saleysan tirooyinka rasmiga ah ee hay’adaha ammaanka ee maamulkaasi.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya, ka dib markii Ururka Xamaas uu ku baaqay in la kordhiyo weerarada keli-duulka, si Israel loogu cadaadiyo inay joojiso xasuuqa ay ku hayso dadka reer Gaza.