Saddex qof oo midi ay dhakhtarad ahayd ayaa ku dhintay qarax gelinkii dambe ee Axaddii ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii gaarigii ay la socdeen uu qabsaday qarax waddada dhinaceeda la dhigay.
Gaarigan oo noociisu uu Probox ahaa ayuu qaraxu ku haleelay inta u dhaxeyso Degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Doonka.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ka yimid dhinaca Degmada Wanlaweyn uu ku sii jeeday Degmada Afgooye, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolkaasi.
Dadka qaraxa ku geeriyooday ayaa lagu kala sheegay Dr. Maryan Mustaf, gabar ay dhashay iyo darawalkii gaariga oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maalin, waxaana jira nin dhallinyaro ah oo qaraxa ku dhaawacmay oo xaaladdiisa lagu la tacaalayo Isbitaalka Guud ee Degmada Afgooye.
Dhakhtaradan oo si weyn looga yaqaanay Degmada Wanlaweyn ayaa ahayd xaaska Gudoomiyaha Waxbarashada ee degmadaasi. Marxuumadda ayaa lagu wadaa in lagu aaso degmadaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa masuuliyadda qaraxan dusha kaga tuuray maleeshiyada Al Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa Shabaabka ku eedeeyay in ay caadeysteen daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana uu ujeedkoodu yahay in ay wax uun dilaan.
Shabaabku ma sheegan masuuliyadda qaraxa, ha yeeshee qaraxyada ceynkani oo kale ayaa ah wax iyaga looga bartay.