Home Wararka Caalamka Haweeney la doonayay in lagu wareejiyo Israel oo duqayn lagu bartilmaameedsaday

Haweeney la doonayay in lagu wareejiyo Israel oo duqayn lagu bartilmaameedsaday

by Laacib

Xamaas ayaa xalay sheegtay in weerar xagga cirka ah lagu bartilmaameedsaday goob lagu hayay haweeney reer Israel ah, taas oo la doonayay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.

Haweeneydan oo ka mid ahayd maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo gudaha Gaza ayaa la garaacay goobtii lagu diyaarinayay sii deynteeda, ka dib duqaymo aan kala joogsi lahayn oo Israel ay Khamiistii ka gaysatay Marinka Gaza, waana xilli Axadda la rajeynayo in la dhaqangeliyo heshiiska xabad joojinta.

Diyaaradaha dagaalka Gaza ayaa garaacay qaybaha Gaza, waxaana la sheegay in weeraradaasi lagu dilay 86 qof, 258 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in mid ka mid ah weeraradaasi lagu ekeeyay goobta lagu hayay haweeneyda laga shaqeynayay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee heshiiska.

Afhayeenka ayaa ka digay in weerarada Israel ay halis gelinayaan nolosha maxaabiistooda ay tahay in dib loogu celiyo Israel.

“Fal kasta oo gardarro ah iyo duqayn kasta oo heerkan uu cadowgu sameeyo, waxa ay xorriyadda maxaabiista u bedeli doontaa masiibo.” Ayuu Abu Ubaida ku sheegay qoraal ay Xamaas soo dhigtay Telegram-ka.

Taliska Militariga Israel ayaa isla xalay sheegay inay hubinayaan warkan ka soo yeeray Xamaas.

Wejiga koowaad ee heshiiska oo socon doono lix toddobaad ayuu qorshuhu yahay in lagu sii daayo 33 qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku jiraan haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah ee lagu hayo Gaza, kuwaa oo lagu bedelanayo qaar badan oo ka mid ah Falastiiniyiinta ku xiran jeelasha Israel.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale ka bixi doona goobaha ay dadka rayidka ah ku badan yihiin ee Gaza.

Xabad joojinta ayaa lagu wadaa in 19-ka bishan ay si rasmi ah uga dhaqangasho Marinka Gaza oo idil.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc