Ciidanka Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska kala qayb qaatay hawlgal amni xaqiijin ah oo laga sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan).
Idaacadda Codka Ciidamada ku hadasha ayaa sheegtay in hawlgalka laga sameeyay deegaano ay ka mid yihiin Doonka, Tixsiile, Warmaxan iyo Waraaboole, isla-markaana ay ciidamadu burburiyeen goobo ay gabaad ka dhiganayeen maleeshiyada Al Shabaab.
Taliska Ciidanka ATMIS ayaa sheegay in hawlgalku uu ahaa mid lagaga hortagayay dhaqdhaqaaqa Al Shabaab, ayna ciidamadu hawlgalkaasi ka sameeyeen deegaanada Doonka, Malad, Haw-xabid iyo Afgooye.
Ujeedada ayaa ahayd xaqiijinta amniga waddada laamiga ee xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.
“Kooxda uu hoggaaminayay G/dhexe Charles Nyero oo ka tirsan kooxda dagaalka ee 39aad ayaa sidoo kale sugay ammaanka waddada muhiimka ah ee sahayda marto ee gobolka, si loo hubiyo habsami u socodka alaabta iyo adeegyada kale.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska ATMIS.
Warka ayaa lagu sheegay “ATMIS ayaa sii wadda inay talooyin siiso Ciidamada Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka.”
Hawlgalkan ayaa wuxuu noqonaya kiisii horreyay ee labada ciidan ay ka wada sameeyaan Gobolka Shabellaha Hoose, intii muddo ahba.
Ciidanka ATMIS ayaan muddooyinkii ugu dambeysay Ciidanka Xoogga Dalka kala qayb qaadaneynin hawlgalada ay ka sameynayaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.
Hawlgalka ayaa imanaya, iyadoo waqtiga Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS uu ku egyahay 31-ka bisha December ee sanadkan.