Home Wararka Maanta Hawlgal la sheegay in looga hortegay isku day ay Shabaab ku qarxin rabeen Masaajidka Alkowsar

Hawlgal la sheegay in looga hortegay isku day ay Shabaab ku qarxin rabeen Masaajidka Alkowsar

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxay maanta sheegtay in la burburiyay gaadiid ay maleeshiyada Al Shabaab qaraxyo ka soo buuxiyeen, oo mid ka mid ah ay damacsanaayeen inay ku burburiyaan Masaajidka Alkowsar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in gawaaridaasi lagu burburiyay deegaanada Sigato Labi Aw Xasan, oo ku yaala inta u dhaxeyso Ruunirgood iyo Alkowsar.

Warka ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah gaadiidkan miideysan ay Shabaabku doonayeen in ay ku burburiyaan Masaajidka Alkowsar, xilli Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Macawiisleyda ay shalay halkaasi dagaal culus kula galeen Al Shabaab.

“Mid ka mid ah gaadiidka qaraxyada ee hawlgalkan lagu burburiyay, oo ahaa nooca Layla Calaawi ayay kooxda Khawaarijta ah ay damacsanaayeen in ay ku weeraraan Masaajidka Degmada Alkowsar, waxayna Khawaarijtu ay horey u beegsadeen goobaha cibaadada, gaar ahaan Masaajidda Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, Buuloburde, Baxdo iyo Qaayib.” Ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay NISA.

Warka ayaa lagu sheegay in hawlgalka hawada ee gaadiidkaasi lagu burburiyay ay iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caaalamiga ah.

“Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka waxaa mar kasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka NISA.

Shabaabka ayaa cadaadis militari kala kulmaya hawlgalka oo wejigiisa labaad uu ka soconayo deegaanada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc