Home Dhacdooyin Hawlgalka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo go’aamin doona mustaqbalka Shabaab

Hawlgalka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo go’aamin doona mustaqbalka Shabaab

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa muruqeeda iyo maalkeedaba isugu gaysay Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo uu ujeedkuna yahay in maleeshiyada Al Shabaab laga suuliyo gobolkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dardargelinaya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, oo caqabado kala kulmay weerarada ay Shabaabku dhawaanahaan ka wadeen gobolkaasi.

Shabaabka ayaa 20-kii bishii February gobolkaasi soo geliyay maleeshiyaad kooxo kooxo u socda, kuwaa oo qalqal amni ka abuuray deegaanadii nabdoonaa ee bariga gobolka. Weeraradan ayaana dib-u-dhac ku keenay wejiga labaad ee hawlgalka militari ee horaantii sanadkan ka bilowday deegaanada Hirshabelle.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Militariga ayaa si qulqul leh gobolka u gaynaya saadka iyo sahayda ay u baahan yihiin ciidamada, ka dib toddobaadyo ay ciidamadii ugu badnaa ugu daabuleen gobolkaasi. Ciidamada ku dhaawacma hawlgalkan ayaana dhaawacooda la keenaya Magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladdooda lagu la tacaalayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in Dowladda Federaalka ay xoojin doonto qorsheyaasha horumarinta adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Dowladda Federaalka Somaliya waxay sii xoojinaysaa qorsheyaasha horumarinta adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah, si loo helo taageero dheeri ah oo lagu daryeelo ciidamada dhaawaca ah. Waa waajib qaran in la hubiyo in geesiyaasheenna ay helaan daryeelka ay mudan yihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo warkan ku sheegay qoraal uu waaberigii hore ee Arbacadii soo dhigay bartiisa Facebook.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wacad ku maray in ciidamadiisu ay cago caddaan diri doonaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha oo hoggaaminaya hawlgalkan ayay ciidamadu gacan ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanada bariga, halka gacanta labaadna ay ku xoreyn doonaan deegaanada galbeedka ee gobolkaasi. Ciidamada ayaana Shabaab ka saaraya Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Shabaabka ayaa dhowr iyo toban sano ka arriminayay galbeedka gobolkaasi, si la mid ah deegaanada dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan. Labadan gobol oo muhiim u ah hawlgalka ayaa waxaa kala qaybiya oo dhex mara Webiga Shabelle.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa hadda diiradda saaraya deegaanada ay Shabaabku ka haystaan Gobolka Shabellaha Dhexe, ka hor inta aanu hawlgalka ku fidin gobolka labaad ee Hirshabelle.

Qorshaha Militariga Somaliya ayaa ah in labadaasi gobol ay noqdaan goob ka caagan maleeshiyada Al Shabaab, ka dib sanado badan oo ay ka hawlgalayeen.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Difaaca Somaliya ayaa ku hanjabay in Shabaabku aysan meelna ku nabadgeli doonin.

Wasiirka ayaa Khamiistii waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, maadaama sida uu sheegay ay hadaf militari yihiin.

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa war ay soo saartay shacabka ugu yeertay “Hay’adda NISA waxa ay dadka rayidka ah ku wargelineysaa in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta ee bartilmaameedka u ah Ciidanka Qaranka.”

Hawlgalka Hirshabelle ayaa Dowladda Federaalka uga dhigan imtixaan adag oo natiijadiisa aan la aqoon. Dowladda ayaa dooneysa inay si buuxda uga adkaato Shabaabka hubeysan, halka Shabaabkuna ay sameynayaan wax kasta oo jiritaankooda ay ku xaqiijinayaan.

Hawlgalkan ayaa la sheegaya in uu go’aamin doono ciribtirka Shabaab ee dalka iyo joogitaankooda mustaqbalka, waana sababta ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ahmiyadda u siineyso hawlgalkaasi.

Haddii Shabaabka si dhameystiran looga saaro labada gobol ee Hirshabelle, waxaa markaasi cad in dalka intiisa kalena laga ciribtiri karo, walow taasi ay shaqada adag ka soo horreyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey wacad ugu maray in dowladdiisu ay soo afjari doonto Shabaabka, ka dib 18 sano oo dalka ay ka dagaalamayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc