Home Wararka Maanta Hay’adda NISA oo sheegtay in Yuusuf Dhegnaas laga saaray saaxada dagaalka

Hay’adda NISA oo sheegtay in Yuusuf Dhegnaas laga saaray saaxada dagaalka

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Yuusuf Dhegnaas lagu dilay duqayntii gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in ninkaasi iyo maleeshiyaad kale oo ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay duqaynta laga fuliyay Ceelbacad oo hoostagta Degmada Ruunirgood.

NISA ayaa waxay sheegtay in Yuusuf Dhegnaas uu ahaa horjoogihii Al Shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi, isla-markaana uu muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa cabsi gelinta dadka deegaanka.

NISA ayaa war ay saqdii dhexe ee xalay soo saartay ku sheegtay in duqaynta oo weli socota lagu dilay maleeshiyaad kor u dhaafaya labaatan nin, gaadiid dagaal oo Shabaabku lahaayeena lagu burburiyay.

“Waxaa intaas dheer in hawlgalada oo illaa iyo hadda socda lagu dilay maleeshiyaad labaatan kor u dhaafaya, halka lagu burburiyay gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay Khawaarijtu isticmaalayeen.” Ayaa lagu yiri warka NISA.

Yuusuf Dhegnaas ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa Gudoomiyihii Al Shabaab ugu magacawnaa Degmada Ruunirgood iyo deegaanada ku xeeran.

Shabaabka ayaa muddooyinkan ku soo uruurayay Ceelbacad, ka dib markii ay culeys soo saareen deegaanadii xorta ahaa ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Dhegnaas uu toddobaadyadan qayb ka ahaa horjoogeyaasha ku lugta leh abaabulka iyo hawlgalinta maleeshiyada isku soo fidisay bariga gobolkaasi.

Shabaabka ayaan ka hadlin duqaynta la sheegay in lagu khaarijiyay Dhegnaas, inkastoo aan looga baran inay ka hadlaan weerarada uu khasaaruhu ka soo gaaro xubnaha ka midka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc