Waxaa jira calaamado isku dhafan oo ku gadaaman sii socoshada heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas & Israel, xilligan oo geba-gabo ay ku dhow dahay xabad joojintii lixda toddobaad ee lagu heshiiyay.
Xamaas iyo Israel ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu 19-kii January ka dhaqangalay Gaza. Labada dhinac ayayna ahayd in Sabtidii ay is dhaafsadaan qaybtii ugu dambeysay ee maxaabiistii lagu heshiiyay in lagu sii daayo wejiga koowaad ee xabad joojinta Gaza. Xamaas waxay sii deysay lixdii maxbuus ee heshiisku uu ahaa inay sii deyso, laakiin Israel ayaan weli sii deynin in ka badan 600 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyadeeda, laguna heshiiyay in ay noqdaan qaybta ugu dambeysa ee lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.
Mabda’ ahaan heshiiska ayaa burburi doona, haddii Israel iyo Xamaas aysan daba-yaaqada bishan isku waafaqin in xabad joojintu ay sii shaqeyso, iyadoo la raacayo habraaca horey loogu dejiyay fulinta heshiiskan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa sheegay in wada hadalada marxaladda labaad la qorsheeyay in la bilaabo toddobaadkan.
Heshiiska xabad joojinta Gaza ayaa ah mid nugul, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu dib uga bilowdo Gaza, marka aad fiiriso danaha is diidan ee labada dhinac iyo in dhinac ka mid ah ay suurtagal tahay in uu ka laabto qodobada heshiiska.
Xamaas oo kale waxay soo jeedisay in wada hadalada wejiga labaaad si toos ah loogu soo afjaro dagaalka, iyadoo Israel ay ciidamadeeda kala baxeyso Marinka Gaza oo dhan iyo inay xabsiyadeeda ka sii deyso Falastiiniyiinta ku xiran.
Xamaas waxay Sabtidii sheegtay in ay diyaar u tahay heshiis halmar la isku dhaafsanayo maxaabiista oo idil, waa haddii Israel ay dhankeeda diyaar u tahay.
Israel oo taasi ka soo horjeeddo ayaa waxay ku gorgortameysaa in Xamaas ay wareejiso maamulkeeda Gaza iyo in hoggaamiyeyaasheeda ay ka baxaan dhulka go’doonsan, iyadoo loo musaafurinayo dal saddexaad.
Wararka ayaa sheegaya in Israel aysan aqbali doonin in ciidamadeeda ay ka soo saarto qaybaha ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza, oo ay horreyso Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor
Labada dhinac ayaa wejigii koowaad ee heshiiska isku afgartay in ciidamada ay halkaasi ka baxaan, marka la saxiixo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta, taas oo hadda aad mooddo in Tel Aviv ay ka biyo diidan tahay. Philadelphi Corridor waxay saaran tahay xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar. Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa la xusuustaa in ay horaan aqbashay qodobada heshiiska, oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaadda Gaza.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa la sheegaya in uu doonayo in wax laga bedelo qodobada heshiiska, waxayna mugdi gelineysaa in xabad joojinta ay sii socoto, si maxaabiis is dhaafsi kale loo sameeyo.
Israel oo ku adkeysato inaysan ciidamadeeda ka saari doonin Philadelphi Corridor ayaa lagu macneeyay caqabadda koowaad ee horgudban hirgelinta amaba xaqiijinta marxaladda labaad ee heshiiska.
Netanyahu ayaa riixaya in heshiis kasta oo la saxiixi doono lagu saleeyo joogitaanka ciidamadiisa ee Philadelphi Corridor iyo inaysan Xamaas sii maamulin Marinka Gaza, lamana oga sida ay Xamaas taasi ugu cuntami doonto.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Hoggaamiyaha Israel iyo Wasiirada mayalka adag ee ka tirsan dowladdiisa ay ka soo horjeedaan in loo gudbo wejiga labaad ee heshiiska.
Xisbiga midigta fog ee uu hoggaamiyo Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ee wax ka soo dhisay xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo ayaa dalbanaya in ciidamadu ay dib u bilaabaan dagaalka Gaza, marka uu dhammaado wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta. Smotrich ayaa ku cadaadinaya Netanyahu in bisha March dib loo bilaabo dagaalka, haddii kalena uu Xisbigiisa National Union–Tkuma ka bixi doono dowladda wadaagga ah.
Smotrich ayaa dalbanaya in dagaalka la sii wado, illaa iyo inta awood ahaan la wiiqayo Ururka Xamaas ee muddada dheer ka arriminayay Marinka Gaza. Wasiirkan xagjirka ah ayaa sheegaya inaysan jirin sabab ay uga sii mid ahaadaan dowladda, haddii ay xabad joojintu sii socoto. Smotrich ayaa sheegay in dagaalka oo la sii wado ay ku jiri karto xukuumadda u janjeerta midigta fog, haddii kalena uu dalka aadi doono doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo Netanyahu uu ka soo horjeedo. Netanyahu ayaan dooneyn inay burburto dowladdiisan ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog, iyadoo aan dhameysan muddo xileedkeeda oo ku eg sanadka 2026.
Gudaha Israel ayaa waxaa ka jira guux xoog leh oo lagu diidan yahay in la wiiqo heshiiska xabad joojinta, si aanu wax dib-u-dhac ah ugu iman sii deynta maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Siyaasiyiinta Mucaaradka oo uu ugu horreyo Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa ku baaqaya in xukuumaddu ay gasho wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.
Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa si weyn uga soo horjeedo in la carqaladeeyo heshiiska xabad joojinta, iyagoona Magaalooyinka Israel ka dhigaya bannaanbaxyo ay culeys ku saarayaan dowladda, si loo dhameystiro heshiiska. Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxayna Netanyahu iyo xertiisa ku adkeynayaan in xubnahaasi dib loogu soo celiyo guryahooda, iyagoo nool.
Xabad joojinta oo sii socoto ayaa waxay keenaysaa in Xamaas ay sii deyso maxaabiis badan oo Israeliyiin ah. Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa la sheegaa in weli ay gacanta ku hayaan in ka badan 60 Israeliyiin ah, inkastoo Tel Aviv ay sheegtay in 31 ka mid ah ay dhinteen.
Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay in ururkooda ay ka go’an tahay in si buuxda loo hirgeliyo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in ay maxaabiista is dhaafsadaan Maamulka Israel.
Afhayeenka Militariga Xamaas, Abu Ubaida ayaa mar sii horreysay ku celiyay in guusha geeddi-socodku ay ku xirnaan doonto niyadda Israel.
Xabad joojinta Gaza ayaa la aaminsan yahay in ay xasilloonida u horseeday Gobolka Bariga Dhexe iyo inay yareysay carradii xoogga badneyd ee bulshada caalamka.
Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa kale ee dunida ayaa daneynaya inay sii shaqeyso xabad joojintan, marka laga reebo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo isagu sheegay in uu ku daba feeli doono go’aanka ay Israel qaadato.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa khudbadihiisii ugu dambeeyay ku muujiyay in aanay diyaar u ahayn in xabad joojinta Gaza ay sii socoto, inta Xamaas ay maamuleyso Marinka Gaza.
Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub oo si weyn u taageeray heshiiskan ayaa ka soo horjeedo in la carqaladeeyo xabad joojinta Gaza. Beesha Caalamka ayaa taageereysa in la dhameystiro saddexda marxaladood ee heshiiska xabad joojinta Gaza, si ay bar dhammaad ugu noqoto, ka dib wax ka badan 15 bilood oo dagaal ah.
Colaadda Gaza oo dib loo soo celiyo ayaa gobolka ku celineysa xiisaddii kacsaneyd ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza.