Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta ciidan cusub ku biirisay hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo deegaanada Hirshabelle. Ciidanka ayaana aaday furimaha hore.
Ciidankan oo ka tirsan Daraawiishta Hirshabelle oo boqolaal askari gaaraya ayaa bartamihii bishii January, waxa uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu tababar ugu soo xiray Magaalada Jowhar. In maanta loo diro jiidda hore waxay ka dambeysay, ka gadaal markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu Axaddii shalay uu Madaxweynuhu ku booriyay in dhankooda ay hawlgalka ka dardargeliyaan. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa muddooyinkan Shabaab kula dagaalamayay deegaanada qaar ee Hirshabelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Hirshabelle, Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa ciidankan ku amray inay dhaqaaqaan.
“Hawlgal ayaa socdo, ciidamadii kale ee Hirshabelle iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Qaranka qaybahooda kala duwanaa dagaal ku jiro, iyagiiyaa ka daba tageysiin, haddii Ilaahay raali ka noqdo, hawlgalkaas ayaa qayb ka tihiin.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo ciidamada ka hor hadlayay ayaa yiri “Waxaa la idiinka rabaa dufcadan inay noqoto dufco lagu ammaano dagaalka Khawaarijta ee la yiraahdo Walee dufcadaas dad nool ayaa ka soo baxay, waxaana la idiinka rabaa inaad dharbaaxo kulul ku dhufatiin.”
Waxa kaloo uu yiri “Waxaan rajeynaya rag maanta hal hal qori haysto, dagaalka haddii la galo iyagoo daba jeexyo wato in la arki doono ayaan rajeynaya, haddii Ilaahay raali ka noqdo.”
Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa ciidamada ku booriyay inay wacdaro ka dhigaan dagaalkan.
“Waan rajeynaya inaad wacdaro ka dhigi doontiin goobaha dagaalka, haddii cadowga la isaga hortago, qoftii waqtigeeda galana waa dhimanee, hadday gurigeeda joogtaba.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Waa la dhimanaa, qoftii waqtigeedu galo ayaa dhimaneyso, qof aan waqtigeedu gelina ma dhimaneyso, inaad intaas yaqiinsatiin ayaa la rabaa, cadowga inaad la dagaashiinaa la rabaa. Waxey u socdaan waa naftiina, waxay u socdaan waa maalkiina, waxay u socdaan waa sharafkiina.”
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga uu sheegay inay ku soo duuleen dhul aanay lahayn.
“Waad arkayseen inta badan dadka meydadkooda la soo bandhigayo bannaanka ama Warbaahinta lala wadaagayo waa dad wada ajaaniib ah, maxaa ka yaala Somalya? Dalkoodii ayay ka soo taggeen, waa nin gacan ku dhiigle baxsad ah inuu annaga na gumeysto oo na dhibaateeyo ayuu rabaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe oo intaasi ku daray “Kama aqbalayno in walaalihiin, waalidkiin, naftiina iyo sharafkiina nin sidiinaa inuu ku xadgudbo, qof laga yeelaayo ma jiro. Gacantaa lala gelaa, nimankan waa jabeen, wixii dhimana waa la dhameystiraa, haddii Ilaahay raali ka noqdo.”
Ciidamada oo wata illaa labaatan gaari oo nooca dagaalka ah ayaa ka dhaqaaqay Magaalada Jowhar, iyagoona u ruqaansaday jiidda hore.
Masuuliyiinta Hirshabelle ma sheegin goobta rasmiga ah ee ciidamada loo diray, waxaase loo maleynaya in ay ka qayb qaadan doonaan qorshaha ay ciidamadu ku xirayaan xuduudaha uu Gobolka Shabellaha Dhexe la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.