Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel oo digniin ka soo saaray nolosha maxaabiista

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel oo digniin ka soo saaray nolosha maxaabiista

by Laacib

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa ka digay in khatar la geliyo nolosha Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa idaacad maxali ah u sheegay in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu looga baahan yahay in ay tagto Magaalada Doha, si Xamaas ay ula gasho heshiis lagu soo wada sii deynayo dhammaanba maxaabiista harsan.

“Netanyahu waxaan leeyahay aad Doha oo qof walbana gurigiisa ku soo celi.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka oo intaa raaciyay “Ku laabo Doha oo hadda soo celi.”

Waxa uu ka digay in waqtigu uu dhammaanayo iyo in qaabka hadda wax lagu wado ay khatar ku tahay nolosha maxaabiista iyo amniga Israel.

Yair Lapid ayaa xukuumadda ku adkeeyay inaanay ka bixin heshiiska, isla-markaana ay hore ugu sii socoto, sidii maxaabiista iyagoo badqaba ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Wareysi uu siiyay Raadiyaha Israel ee 103 FM ayaa wuxuu ku sheegay in sida Madaxweynaha Mareykanka oo kale uu aaminsan yahay in halmar la soo sii daayo maxaabiista, bedelkii marba qayb la soo deyn lahaa.

“Waxaan tan sheegayay muddo billo ah. Waxaan u baahanahay inaan dhamayno tan, waana in la helo hal heshiis oo qof walba lagu soo celinayo.” Ayuu yiri Yair Lapid.

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan Tel Aviv oo ku xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta ayaa waxaa gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo lagu dhalleeceynayo dowladda uu Netantahu madaxda ka yahay.

Shacabka dibadbaxyada wada ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeynaya inaysan daacad ka ahayn hirgelinta heshiiska.

Warbaahinta Israel ee bidixda ayaa ku warameysa in Xamaas ay tallaabada hakinta sii deynta maxaabiista u qaadday, waa inaysan arkin in xukuumadda ay dhab ka tahay gelitaanka wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.

Xamaas ayaa dhowr jeer waxay Netanyahu ku eedeysay in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc