Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in uu xagal-dhaacinayo dadaalada nabadda ee gobolka.
Hoggaamiyaha Mucaaradka ayaa sheegay in Raysal Wasaaraha Israel aanu rabin heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas.
“Netanyahu ma doonayo in heshiis xabad joojin ah lala galo Xamaas.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Mucaaradka oo wareysi siiyay Raadiyaha Ciidamada Israel.
Waxa uu sheegay in Raysal Wasaaruhu uu carqaladeynayo dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Marinka Gaza.
“Waxa uu sameynayaa isla qiyaanadii uu sameeyay waqtiyadii hore oo dhan.” Ayuu yiri Yair Lapid.
Waxa kaloo uu yiri “Waxa uu iska dhigayaa nin taageeraya wada hadalada socda, haddana Warbaahinta caalamiga ah ayuu u sheegayaa inaysan jirin sabab heshiis loola galo Xamaas, isla-markaana uusan joojin doonin dagaalka.”
Hadalka Yair Lapid ayaa xoojinaya eedeymaha ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Benny Gantz iyo Avigdor Lieberman ay u jeediyeen Netanyahu.
Siyaasiyiintan ayaa Netanyahu ku eedeeyay in is hortagga uu ku sameynayo heshiiska ay halis gelineyso nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.
Eedeymahooda ayaa ku soo aadaya, xilli ay jirto rajo laga qabo in heshiis la gaari karo.
Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa dhinacyada ku riixaya in ay qaataan heshiiska aadka loogu baahan yahay.
Saraakiisha Xamaas ayaa Axaddii sheegay in is faham laga gaaray inta badan waxyaabihii ay labada dhinac isku hayeen, inkastoo sida ay sheegeen ay jiraan qodobo u baahan in xalkooda la gaaro.
Qodobada yar ee harsan oo aan la isaga soo dhawaan ayaan taageeri doonin in la helo heshiiska xabad joojinta ee la naawilayo.