Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay.

Isagoo lulaya Calanka Jamhuuriyadda Somaliya ayuu gelinkii dambe ee maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Masuuliyiin uu ugu sarreyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay wafdiga Hoggaamiyaha SSC.

Wasiirka oo ka hadlayay soo dhaweyntaasi ayaa sheegay in wafdiga ka yimid Magaalada Laascaanood ay u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in muddada ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Xukuumadda Federaalka.

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa dhankiisa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Muqdisho iyo sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada.

“Waan ku faraxsanahay in gurigeenna aan nimid, sidaana na lagu soo dhaweeyo, Muqdisho qof kasta oo Soomaali ah gurigiisii weeyaan, sida caadiga ahna qofka gurigiisa laguma soo dhaweeyo, laakiin marka la soo dhoweeyo qiimo gaar ah ayay u yeelaysaa.” Ayuu yiri Firdhiye.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan martiqaad u fidiyay Madaxda SSC Khaatumo, si ay u yimaadaan magaalada.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Firdhiye ku yimaado Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii 5-tii bishii August loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha SSC Khaatumo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc