Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah ayaa sheegay in daqiiqad kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo iyaga iyo Israel, isla-markaana ay diyaar u yihiin in ay Israel la galaan dagaal buuxa.
Hoggaamiyaha ayaa Israel uga digay dagaal aan xakameyn lahayn, haddii ay isku daydo inay weerar dhinaca dhulka ah ku soo qaaddo koonfurta dalka Lubnaan.
Waxa uu sheegay in Xoogaga Xisbullah ay si weyn ugu diyaargaroobeen dagaal daba dheeraado, oo ay ku burburinayaan Maamulka Israel.
“Cadowgu si fiican ayuu u ogyahay inaan isku diyaarinay maalmaha ugu adag.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbullah oo intaasi ku daray “Cadowgu si fiican ayuu u garanayaa waxa sugaya.”
Hassan Nasrallah ayaa sheegay inaysan jiri doonin meel ay Israel kaga badbaaddo gantaalaha Xisbullah, goob kastana ay ku bartilmaameedsan doonaan.
“Way ogyihiin in aanay dalka meelna kaga badbaadi doonin gantaaladayada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Mana noqon doonto duqayn aan loo meel-dayin, balse gantaal kasta uu yeelan doono bartilmaameed.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah.
Waxa kaloo uu sheegay in Xisbullah ay suurtagal tahay in ciidan dhulka ah ay u soo dirto waqooyiga Israel, taasina ay tahay mid baqdin ku hayso Israel.
“Waxaa jirta cabsi badan oo ay cadowgu qabaan, oo ah in iska caabintu ay ku soo duulaan waqooyiga Israel, tanina waa suurtagalnimada jirta ee ka dhalan karta dagaal kasta oo lagu soo qaado Lubnaan.” Ayuu yiri Hassan Nasrallah oo warkan ku sheegay muuqaal ay xalay baahisay Xisbullah.
Hassan Nasrallah ayaa sheegaya in Israel ay dhibaato weyn kala kulmi karto kooxaha wax iska caabinta, inta ay duulaanka ku hayso Marinka Gaza.
Warka Hassan Nasrallah, Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah ayaa imanaya, ka dib markii masuuliyiinta Israel ay ku celiyeen in Tel Aviv ay diyaar u tahay dagaal ka dhan ah Xisbullah.
Xiisad weyn oo u dhaxeyso Israel iyo Xisbullah ayaa ka taagan xuduudda, iyadoona ay kordhayaan duqaymaha ay dhinacyadu isku weydaarsanayaan deegaanada xadka.
Israel Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa Talaadadii ku hanjabay in Israel ay qarka u saaran tahay inay Xisbullah la gasho dagaal aan dhammaad lahayn.
Waxaa ka sii horreyay Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari oo habeenkii Axadda sheegay in weerarada kaga imanaya dhanka koonfurta Lubnaan ay horseedi karaan sida uu yiri xiisad halis ah.
Afhayeenka ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Xisbullah ay kordhisay weeraradeeda Israel, tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay Marinka Gaza.
Afhayeenka ayaa ka digay in weerarada Xisbullah ay sababi karaan in colaaddu ay ku baahdo Bariga Dhexe oo dhan.
Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa xaalad amni ka abuuray gobolka, waxaana soo xoogeysanaya digniinaha la xiriira cawaaqibka uu yeelan karo dagaal toos ah oo xilligan dhex mara Xisbullah iyo Israel.
Hassan Nasrallah ayaa ku hanjabay in duqaymaha ay ku hayaan waqooyiga Israel ay sii socon doonaan, illaama ay wax iska bedelayaan xaaladda Marinka Gaza.
Xisbullah ayaa horey u sheegtay in amniga Israel uu ku xiran yahay, illaa iyo inta ay Tel Aviv ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.