Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa ka digay in ay sii wadi doonaan weeraradooda ka dhanka ah Israel, haddii la carqaladeeyo heshiiska xabad joojinta ee Xamaas iyo Israel, maxaabiistana lagu sii deynayo.
Hoggaamiyaha ayaa khudbaddiisa Khamiislaha ku sheegay in Ciidamada Yemen ay si dhow ula socon doonaan dhaqangelinta heshiiska xabad joojinta ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadiisu ay la socon doonaan maalmaha ka horreya dhaqangelinta heshiiska, isagoona Israel uga digay inay sii waddo xasuuqeeda dadka rayidka ah.
“Waxaan sii wadi doonnaa inaan la socono is bedelada ka socda Falastiin saddexda maalmood ee ka horreya dhaqangelinta heshiiska. Haddii Maamulka Sahyuuniyadda uu sii wado xasuuqa Gaza, ma joojin doono hawlgaladeenna.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.
Hoggaamiyaha ayaa sheegay inay joojinayaan weerarada ay ku hayaan gudaha Israel iyo maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee ku wajahan Dekedaha Israel, waa haddii Tel Aviv ay is xakameyso.
Isaga oo sii hadlayay ayuu ku hanjabay in haddii la jebiyo heshiiska xabad joojinta ay dib u bilaabi doonaan weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan gudaha Israel iyo maraakiibta laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska, Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.
“Gardarro kasta oo ka dhan ah heshiiska, waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno taageerada walaalaheenna Falastiin.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al Houthi.
Al Houthi ayaa ballanqaaday in gacanta shacabka Yemen laga nabadgeli doono, mar kasta oo Israel ay ka fogaato dhiigga ay daadineyso.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa si weyn uga horyimid duulaanka ballaaran ee ay Israel ku qaadday Marinka Gaza, iyagoona xaalad dhaqaale iyo mid amniba ka abuuray gudaha Israel.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa in ka badan hal sano xulafo la ah Ururka Xamaas ee Falastiin, ka dib weerarkii Ciidamada Israel ay bishii October ee sanadkii 2023 ku galeen Gaza.
Taageerada dalka itaalka yar ee Yemen ayaa soo jiidatay indhaha ummadda Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn qaarkood.