Home Wararka Caalamka Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo sheegay inay hub cusub u adeegsan doonaan dagaalka Israel

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo sheegay inay hub cusub u adeegsan doonaan dagaalka Israel

by Laacib

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa wacad ku maray in Yemen ay xoojin doonto weerarada ka dhanka ah Israel.

Hoggaamiyaha oo xalay khudbad dheer jeediyay ayaa sheegay in weerarada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsaday kaydka shidaalka iyo kaabeyaasha tamarta ee Dekedda Hudaydah ay horseedi doonto weeraro dheeraad oo ka dhan ah Israel.

Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in duqaymaha Hudaydah aanay baqdin gelin doonin shacabka Yemen, isla-markaana aanay ka leexin doonin mowqifkooda ay ku garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta.

“Dadka Yemen waxay ku faraxsan yihiin inay si toos ah isaga horyimaadaan cadowga Sahyuuniyadda, waana dad geesiyaal ah.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta oo sidoo kale yiri “Weerarka lagu soo qaaday Yemen ma ahan mid faa’iido u leh cadowga, mana abuuri doono carqalad.”

Isagoo laga daawanayay telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadla ee Al Masirah iyo shaashadaha kale ee dalkaasi ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in hawlgalada ay muddooyinkii ugu dambeysay taageerada ugu muujinayaan dadka reer Gaza uu galay marxaladdii 5aad.

Marxaladdan ayuu sheegay inay ka adkaan doonto marxaladihii hore, isla-markaana ay ku adkaan doonto Israel iyo xulafadeeda ugu weyn ee Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa xusay in ay hub cusub u adeegsan doonaan dagaalka Israel, isagoo sheegay in hubkan uu yahay mid ay ugu talagaleen marxaladda 5aad ee dagaalka, inkastoo aanu sheegin waxa uu hubkaasi isugu jiro.

Hoggaamiyaha ayaa waxa uu sheegay in Israel ay eedi doonto duqaymahan ay ka gaysatay Hudaydah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay hadaf ka dhigan doonaan Magaalada Tel Aviv.

“Cadowgu wuxuu horey u awoodi waayay in uu joojiyo hawlgaladayada militari, kuwaas oo kor u kacay oo xoogeystay. Cadowgu ma ahaan doono mid nabad qaba, xitaa Tel Aviv ma ahaan doonto meel amni uu ka jiro, khatartuna way sii socon doontaa.” Ayuu yiri Abdul-Malik Al Houthi, Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta.

Waxa kaloo uu yiri “Yemen kama laaban doonto mowqifkeeda ku aaddan in la taageero Falastiin. Sahyuuniyaddu waa inay ogaadaan in hoggaamiyeyaashooda ay u soo dhaweeyeen khataraha sii kordhaya.”

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa intaasi ku daray “Inta ay sii dheeraato gardarrada lagu hayo Marinka Gaza, waa inta ay sii socon doonaan weeraradeenna.”

Qalqal amni ayaa laga dareemay gobolka, ka dib duqayntii is xigxigtay ee ay Israel la beegsatay Dekedda Hudaydah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc