Home Wararka Caalamka Hoggaamiyeyaasha G7 oo kulan ka yeeshay colaadda Ukraine iyo is bedelka Suuriya

Hoggaamiyeyaasha G7 oo kulan ka yeeshay colaadda Ukraine iyo is bedelka Suuriya

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Jimcihii muuqaalka fogaan aragga kaga qaybgalay kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah G7, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta taageerada militari ee Ukraine iyo is bedelka ka dhacay dalkaasi Suuriya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa riixaya in la joogteeyo, lana xaqiijiyo taageerada militari ee Ukraine, si ay isaga caabiso duulaanka Ruushka, waana lix toddobaad uun ka hor inta uusan xafiiska la wareegin Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, kaas oo diidan gargaarka militari ee Ukraine.

Wada hadaladan ayaa daba socday bixinta 20 bilyan oo dollar oo Washington ay bilowgii toddobaadkan ku bixisay dhaqaale cusub oo Baanka Adduunka uu siin doono Ukraine.

Lacagtan ayaa qayb ka ah amaah cusub oo gaareysa 50 bilyan oo dollar oo kooxda toddobada waddan ay siinayaan Ukraine, taas oo lagu soo celin doono dakhli dulsaar ah oo laga helay hantida laga xanibay Ruushka.

Kooxda ayaa mabda’ ahaan bartamihii bishii August ku heshiisay qorshaha 50-ka bilyan ee dollar ee lagu caawinayo Ukraine, si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto Ruushka. Lacagtan ayaa xilligaasi lagu sheegay faa’iidada dulsaarka ee laga helo hantidii dibadda u taalay Ruushka ee la xanibay, ka dib duulaankiisii Ukraine.

Horaantii isbuucan sii dhammanaya, Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale ansixiyay kaalmo cusub oo la siinayo Ukraine, tani oo Kyiv siin doonta difaaca cirka oo dheeri ah, madaafiicda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo baabuurta gaashaaman, waana xirmadii 72-aad ee Maamulka Biden uu siiyo Ukraine, tan iyo markii uu Ruushku weeraray.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono bixinta taageerada tooska ah ee Ukraine, illaa iyo inta laga gaarayo 20-ka bisha soo socota ee January, markaas oo Biden uu xukunka ku wareejin doono Trump.

Biden ayaa welwel badan ka qaba in Trump uu meesha ka saaro amaba uu yareeyo taageerada Kyiv. Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ballanqaaday in uu si dhakhsa ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine.

Dhanka kale Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa kulankooda diiradda ku saaray is bedelka degdegga ah ee ka dhacay dalka Suuriya ee awoodda lagaga tuuray Madaxweyne Bashar Al Assad.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay taageeraan geeddi-socod kala guur ah oo horseedaya in la aamini karo mucaaradka la wareegay dalkaasi, oo ay tahay inay soo dhisaan dowlad loo dhan yahay.

Khamiistii, Hoggaamiyeyaasha G7 ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in soo dhaweynta dowladda cusub ee Suuriya ay ku xiran tahay ixtiraamka sharciga, daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Inkastoo Mareykanka iyo xulafadiisa ay soo dhaweeyeen ridistii Bashar Al Assad, haddana kuma kalsoona kacdoonka uu hoggaaminayo Ahmed Al Sharaa oo loo yaqaano (Abu Mohammed Al Jawlani), haddii ururkiisa Hayat Tahrir Al-Sham ay Washington u aqoonsan tahay urur argagixiso.

Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa kooxaha Suuriya ka doonaya inay la yimaadaan nidaam amaba maamul aan ku dhisneyn diin oo laga sameeyo dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc