Home Dhacdooyin Hoggaamiyihii Xisbullah, Hassan Nasrallah oo aas ballaaran loo sameeyay (SAWIRRO)

Hoggaamiyihii Xisbullah, Hassan Nasrallah oo aas ballaaran loo sameeyay (SAWIRRO)

by Laacib

Shacabka Lubnaan ayaa waxay Axaddii aas ballaaran u sameeyeen Hoggaamiyihii Ururka Xisbullah, Hassan Nasrallah billo ka dib, markii Israel ay duqayn ku dishay.

Boqolaal kun oo qof ayaa la sheegay in ay Caasimadda Beirut kaga qaybgaleen aaska Hoggaamiyihii Xisbullah, ku dhawaad shan bilood ka dib dilkiisii.

Dadweyne aad u fara-badan ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta ee Camille Chamoun iyo waddooyinka soo gala, si ay goobjoog uga noqdaan kulanka ugu dambeeya ee lagu sagootinayo hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Xisbullah yeelato.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa goor sii horreysay sheegtay in Hassan Nasrallah iyo Hashem Safieddine uu aas wadareedkoodu ka bilowday garoonkaasi.

Saraakiisha Xisbullah ayaa taageereyaashooda ugu baaqay inay ka soo qaybgalaan aaska, taasoo ah tallaabo ay ku muujinayaan in ururku uu weli yahay mid xoogan, ka dib muddo ay dagaal kula jireen Israel. Israel ayaa dagaalkan ugu dambeeyay ee Xisbullah la gashay ku dishay qaar badan oo ka mid ah saraakiishii laf dhabarta u ahaa. Israel ayaana shirqool ku dishay saraakiil isugu jira kuwa militariga iyo siyaasadda ee ururka.

Xulafada Xisbullah ee dibadda, sida wakiilo ka socda Xuuthiyiinta Yemen ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada ee Hassan Nasrallah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa ku dul heehaabayay garoonka, illaa iyo inta uu aaska ka dhacayay. Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in ay gudbinayeen farriin cad oo la xiriirta in qof kasta ku hanjaba inuu burburinayo Israel ay dili doonaan.

Naim Qassem oo ah ninka lagu soo bedelay Hassan Nasrallah ayaa Israel ku eedeeyay in ay ku xadgudbeyso heshiiskii xabad joojinta ee labada dhinac.

Ciidanka Cirka Israel ayaa 27-kii bishii September weerar xagga cirka ah ku dilay Hassan Nasrallah, xilli uu ku sugnaa dhisme ku yaala koonfurta Magaalada Beirut.

Diyaaradaha Israel ayaa si xun u garaacay dhowr dhisme oo ku yaala xaafadda Dahieh, ka dib markii ay ogaadeen in mid ka mid ah uu ku sugan yahay ninkii ugu sarreyay Xisbullah.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay dhulka la simeen xarun dhulka hoostiisa ah oo Hassan Nasrallah uu ku qabanayay shir hoggaamineed.

Taliska ayaa xilligaasi sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay burburiyeen Xarunta Dhexe ee Ururka Xisbullah. Hawlgalka gaarka ah ee lagu dilay Hassan Nasrallah ayaa lagu qeexay weerarkii ugu weynaa ee Israel ka fuliso dalka Lubnaan, muddo 18 sano ah.

Dilkiisa ayaa uga sii daray xiisaddii Gobolka Bariga Dhexe, markii Israel ay colaaddii xuduudda labada dal ay si qoto dheer ugu fidisay gudaha Lubnaan. Xoogaga Xisbullah ayaa iyagana kordhiyay gantaalihii iyo duqaymihii ay ku garaacayeen waqooyiga Israel, iyagoona mararka qaarkood bartilmaameedyo ka fulinayay magaalooyinka bartamaha, sida Tel Aviv. Israel oo ka carootay kororka weerarada Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hawlgal dhinaca dhulka ah oo ciidamadeeda ay gudaha ugu gelayaan koofurta dalkaasi, si loo burburiyo kaabeyaasha militari ee Xisbullah.

Israel iyo Xisbullah ayaa 27-kii bishii November ku heshiiyay xabad joojin lixdan cisho soconeysa, taasoo horseedeysa xabad joojin waarta.

Hassan Nasrallah ayaa bishii February ee sanadkii 1992-kii noqday Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, ka dib markii la dilay hoggaamiyihii isaga ka horreyay, waa Abbas Al Musawi.

Al Musawi oo xilka ururka qabtay bishii May ee sanadkii 1991-kii ayay Israel weerar la soo qorsheeyay ku dishay, isagoo xilka ku magacaaban wax ka yar hal sano.

Nasrallah oo 64 jir ahaa ayaa kala bar noloshiisa hoggaaminayay Xisbullah, waxaana uu dhisay ururka aan dowliga ahayn ee militari iyo siyaasad ahaanba ugu xoogan Bariga Dhexe.

Nasrallah ayaa gobolka ka noqday shakhsi caan ah, ka dib dagaalkii ay Xisbullah sanadkii 2006 la gashay Israel. Xisbullah ayaa dagaalkaasi ku kasbatay taageerada dadka gobolka, inkastoo sumcaddii Nasrallah ay hoos u dhacday, markii ay Xisbullah la safatay Dowladdii Bashar Al Assad, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Xisbullah ayaa dib u dhistay taageeradeedii meelaha qaar ee gobolka, iyadoo noqotay ciddii ugu horreysay ee xabad ku riddo Israel, si ay uga joojiso duqayntii ay ku bilowday Marinka Gaza ee bilowga u ahayd duulaankeeda dhinaca dhulka ee Gaza. Israel ayaa iclaamisay duulaankeeda Gaza, ka dib weerarkii la yaabka lahaa ee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii bishii October ee sanadkii 2023 ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, balse laga xoogay shacabka Falastiin.

Xuuthiyiinta Yemen oo dib kaga soo biiray dagaalka ayaa iyaga iyo Xisbullaahida Lubnaan dhibaato amni iyo mid dhaqaalaba ka abuuray gudaha Israel. Labaduba waxay ka mid yihiin dhidibka iska caabinta gobolka ee ay Iran bari-taarto, waana labada urur ee militari ahaan ugu tunka weyn Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc