Home Wararka Maanta Hooyo iyo wiil ay dhashay oo ku dhintay qarax ka dhacay Beledxaawo

Hooyo iyo wiil ay dhashay oo ku dhintay qarax ka dhacay Beledxaawo

by Laacib

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay, ku dhawaad toban kalena ay ku dhaawacantay, ka dib qarax xalay ka dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in nin la tuhunsan yahay inuu ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab uu bambada nooca gacanta laga tuuro ku weeraray goob ganacsi oo mashquul badan uu ka jiray.

Hooyo lagu magacaabi jiray Bishaaro Cabdullaahi Shaywaal iyo wiil ay dhashay ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen qaraxaasi.

Wararka ayaa sheegaya in hooyadan ay wiilkeeda u soo kaxeysay in ay timaha uga soo jarto tima jare ku yaala bartamaha Beledxaawo, balse ay masiibadan la kulmeen.

Dadkii kale ee qaraxaasi ku dhaawacmay ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala degmadaasi.

Ciidamada amniga oo ku baxay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaan jirin cid ay qaraxaasi u soo qabteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc