Home Wararka Maanta Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay dad danyar ah

Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacageed gaarsiisay dad danyar ah

by Laacib

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed ku wareejisay Haweenka Gobolka Banaadir, iyagoona u qaybiyay qoysas danyar ah.

Ku dhawaad 120 haween oo isugu jira kuwa danyar ah iyo agoonley iyo dad kale oo qaba baahiyaha gaarka ayaa ka faa’iideytsay deeqdan.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) iyo xubno kale ayaa dadka danyarta ah deeqdan ku guddoonsiiyay Xarunta Gabdhaha Agoomaha ee Degmada Boondheere.

Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Raaxo Xuseen Xirsi ayaa sheegtay in deeqdan ay ka mid tahay barnaamijka afurinta hay’adda ee bisha Ramadan lagu afursiinayo dadka danyarta ah.

Jawaahir Baarqab ayaa Hormuud Salaam Foundation ku ammaantay in gacanteeda ay gaareyso dadka u baahan kaalmada bani’aadantinimo, weliba xilliga aadka loogu baahan yahay.

Hooyooyinka iyo dadka naafada ee deeqda helay ayaa ka mahadceliyay, sida hay’addu ay ugu soo gargaarto bisha Soon-qaad.

Haddii dadka qaar ay ka walaacsanaayeen afur la’aan, hadda xaaladdooda waxay u muuqataa mid wa-xoogaa degan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc