Home Wararka Caalamka ICRC oo sheegtay inaanan lagu shaqeyn karin xaaladda ay Israel ka abuurtay Gaza

ICRC oo sheegtay inaanan lagu shaqeyn karin xaaladda ay Israel ka abuurtay Gaza

by Laacib

Waxaa aad u soo xoogeysanaya qaylo dhaanta ay hay’adaha caalamiga ah ka muujinayaan masiibada bani’aaadantinimo ee ka jirta qaybaha Marinka Gaza iyo sida ay u adag tahay in shaqaalahooda ay si caadi ah uga hawlgalaan dhulka ay colaaddu halakeysay.

Madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Gaza, William Schomburg ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay wajahayaan dhibaatadii ugu darneyd ee ay ebid ku shaqeeyaan.

William Schomburg ayaa sheegay inaysan jirin ereyo lagu qeexi karo heerka quusta ah ee maanta ka jirta sida uu yiri Marinka Gaza oo dhan, iyada oo dadka rayidka ah ay la halgamayaan, sidii ay u heli lahaayeen cunto, biyo iyo daryeel caafimaad, si ay u noolaadaan.

Waxa uu sheegay inay adag tahay in wax la soo geliyo Marinka Gaza, taas oo ay uga sii dartay sharcigii iyo kala dambeyntii oo meesha ka baxday.

“In Gaza wax la soo geliyo waa mid aad u adag, waxaana uga sii daray burburka sii socda ee nidaamka iyo kala dambeynta, taasoo caqabad ku ah awoodeenna inaan gargaar gaarsiino kuwa aadka ugu baahan.” Ayuu yiri William Schomburg oo ku sugan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, halkaas oo ICRC ay ka shaqeyso goob isbitaal.

Schomburg ayaa xusay in dhibaatada baahsan ee ka jirta Marinka Gaza ay xaaladda ka dhigtay mid aan lagu shaqeyn karin.

“Xaaladuhu aad bay u adag yihiin in lagu shaqeeyo. Xaaladda maaha mid lagu shaqeyn karo.” Ayuu yiri William Schomburg, Madaxa ICRC ee Gaza.

Sarkaalkan ayaa ku baaqay in gargaarka bani’aadantinimo loo ogolaado Gaza, isla-markaana aan la xanibin, isaga oo hadalkiisa ku xoojiyay in dadka rayidka ah ay u baahan yihiin biyo nadiif ah iyo adeegyo fayadhowr.

Israel ayaa waxaa muuqato inay weli ka biyo diidan dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu badbaadiyo nolosha dadka reer Gaza, iyadoo markaasi wax laga qabanayo masiibadeeda gacan ku sameyska ah.

Weerarada baahsan ee Israel iyo go’doominta adag ee wehlisa ayaa baabi’isay noloshii dadka Gaza, taasi waxay keentay in colaadda ay ku barakacaan illaa laba milyan oo qof.

Dagaalkan ayaa sababay cunto xumo, biyo, shidaal iyo dawo la’aan, oo ay dheer tahay inaanay agabka aasaasiga ah soo geli karin guud ahaanba Marinka Gaza.

Dagaalka Israel ayaa waxaa qayb ka ah burburka, rafaadka iyo gaajeysiinta ay shacabka u dileyso, si ay u xaqiijiso hadafkeeda dagaalka, tiiyoo aysan illaa iyo hadda wax natiijo ah ka keenin.

Hay’adaha caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ayaa ka digaya sii socoshada hawlgalada Israel ee baalka marsan xeerarka caalamiga ah.

Hay’adahan ayaa waxaa walaac ku haysa dadka nugul ee aan haysan wixii aasaasiga u ahaa noloshooda, inaysan waajibaadkoodii gudan karin iyo inay mar kasta halis ugu jiraan in la bartilmaameedsado.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa marar badan ku baaqay in Israel ay ilaaliso nolosha dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha gargaarka.

Tan iyo markii uu dagaalku bilowday, qiyaastii 260 ka mid ah dadka ka shaqeeya howlaha gargaarka ayaa lagu dilay Marinka Gaza, kuwaa oo ku dhawaad 200 oo ka mid ah ay yihiin Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey waxay marar badan cambaareysay gabood-falada joogtada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, iyadoona xiriirka labada dhinac uu gaaray meeshii ugu hooseysay.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa muddooyinkanba warineysay in Israel ay xitaa diidan tahay inay tixgeliso baaqyada kaga imanaya xulafadeeda ee loogu jeedinayo inaysan beegsan dadka rayidka ah iyo inay furto marinada gargaarka, si gurmadka bani’aadantinimo loo gaarsiiyo rayidka u baahan.

Inkastoo bulshada caalamka oo dhan ay ku dhegan tahay Israel, haddana Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo kooxdiisa ayaan dooneyn inay hoos u dhigaan carrada caalamiga ah ee ka dhalatay kororka dembiyada iyo ciqaab wadareedyada ka dhanka ah bulshada tabaaleysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc