Home Wararka Maanta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo ka bilowday dalka

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo ka bilowday dalka

by Laacib

Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga bilowday Imtixaanaadka Shahaadiga ee Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, ee ay qaaddo Dowladda Federaalka.

Imtixaanka ayaa waxaa maanta u fariistay 33,700 oo arday, kuwaa oo wax ka bartay goobaha waxbarasho ee ku yaala Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Wasiirka Waxbarashada Somaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ardaydu ay imtixaanka ku gelayso 114 goobood.

62 ka mid ah goobaha loo asteeyay in imtixaanka lagu qaado ayaa ku yaala Caasimadda Muqdisho, halka 52-ka kalena ay ku kala yaallaan Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Maanta waxaa inoo bilowday imtixaanadii fasalka ugu dambeeyay ee Dugsiga Sare, imtixaanadu waxa ay ka dhacayaan 114 goobood oo dalka qaybihiisa kala duwan ka tirsan, waxaana ka qaybgelaya 33,700 oo arday.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad ugu rajeynayaa ardayda iyo waalidiintooduba si guul ah in uu imtixaanka ugu dhammaado.”

Imtixaanka sanadkan ayaa noqonayo kiisii 9aad oo xiriir ah oo Dowladda Federaalka ay qaadeyso.

Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa qayb ka ah Imtixaanaadka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, ee ay qaaddo Dowladda Federaalka, marka laga soo taggo Puntland oo iyadu si gaar ah u maamusho imtixaanka ardayda wax ka barata deegaanadeeda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc