Xukuumadda cusub ee Britain ayaa ku dhaqaaqday in London ay dib u bilaabi doonto dhaqaalihii ay ku taageerayeen Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee (UNRWA).
Xisbiga Shaqaalaha UK ayaa doonaya in dib loo bilaabo maalgelinta hay’adda ugu weyn Qaramada Midoobey ee ka hawlgasha dhulka Falastiiniyiinta iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe, ka dib markii dhaqaalahaasi laga joojiyay bishii January.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa sheegay inay meesha ka saarayaan joojitanta maalgelinta Hay’adda UNRWA.
“Waxaan meesha ka saaraynaa joojinta maalgelinta UNRWA. Hay’adda Qaramada Midoobey waxay gebi ahaanba udub dhexaad u tahay bixinta gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa Jimcihii Baarlamaanka u sheegay in toddobo iyo labaatan milyan oo dollar ($27M) la siin doono hay’addaasi, si loo hubiyo buu yiri in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan gudaha Gaza.
Wasiirka ayaa tilmaamay in xaalad bani’aadantinimo oo aad u liidato ay ka jirto Marinka Gaza, UNRWA-na ay tahay tan qura ee dunida kala shaqayn jirta, si loo badbaadiyo nafo badan.
Bishii January, Ingiriiska ayaa ka mid noqday tiro dalalka reer galbeedka ah oo sheegay inay joojiyeen lacagihii tooska ahaa ee ay hay’addaasi siin jireen, ka dib markii Israel ay sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay maamusho.
Qaramada Midoobey oo guddi u xilsaartay in eedeymahaasi ay u soo baaraan ayaa hay’adda ku ammaanay inay dejisay habab iyo siyaasado lagu hubinayo dhexdhexaadnimada, degdeg ah iyo jawaabo waafi ah oo ku saabsan eedeymaha.
Guddigan oo ay hoggaamineysay Catherine Colonna, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Israel ay jeedisay eedeymo aan caddeyn lahayn. Guddiga ayaana UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso.
Aqalka Knesset-ka ee Baarlamaanka Israel ayaa 29-kii bishii May ansixiyay sharci hay’addan loogu aqoonsanayo urur argagixiso.
Israel ayaa riixeysa in hay’addaasi laga mamnuuco Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, sababo ku aaddan shaqada lagama maarmaanka ah ee ay u hayso shacabka Falastiiniyiinta.
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa Isniintii diiday isku day kasta oo Hay’adda UNRWA loogu aqoonsanayo hay’ad argagixiso.
“Waxaan diidnay isku day kasta oo lagu asteeyay UNRWA inay tahay urur argagixiso. Sidee hay’ad Qaramada Midoobey loogu aqoonsan karaa urur argagixiso?” Ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreya ee Midowga Yurub.
Mr. Borrell ayaa yiri “Waxaan ku heshiinay inay muhiim tahay in la ilaaliyo doorka aan la bedeli karin ee UNRWA ee gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Jordan.”
Hay’addan ayaa ah tan keliya Qaramada Midoobey ee haysata amar gaar ah oo lagu daryeelayo baahiyaha aasaasiga ah ee barakacayaasha iyo qaxootiga Falastiiniyiinta.
Hay’addan oo 8-dii bishii December ee sanadkii 1949-kii lagu sameeyay qaraar uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu taageeraa gargaarka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee qaxootiga Falastiiniyiinta, waajibaadkeeduna wuxuu yahay inay gargaar siiso shacabkii Falastiiniyiinta ee ku barakacay Daanta Galbeed & Marinka Gaza, intii lagu jiray weeraradii isir sifeynta Israel ee la magac-baxay Nakba ee 1948-kii iyo iska horimaadyadii xigay. Waxa kaloo waajibaadka hay’adda ka mid ah inay gargaar siiso shacabkii kale ee Falastiiniyiinta ee qaxootiga ku noqday dalalka Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.
Hay’addan ayaa waxaa u diiwaangashan in ka badan 5.6 milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo ay hay’addu ula tacaasho qaab qaxooti ahaan.