Home Wararka Caalamka Ingiriiska oo fasaxay in hubkiisa loo adeegsado weerarada ka socda gudaha Ruushka

Ingiriiska oo fasaxay in hubkiisa loo adeegsado weerarada ka socda gudaha Ruushka

by Laacib

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa maanta shaacisay in Ciidamada Ukraine ay adeegsan karaan hubka ay siiyeen, inta ay ku guda jiraan hawlgalada ay ka wadaan gudaha Ruushka, inkastoo ay wasaaraddu xadiday isticmaalka ama adeegsiga gantaalaha ridada dheer ee Shadow.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hubka ay ugu deeqeen Ukraine loo adeegsan karo dhulka Ruushka, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Warka ayaa lagu sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay inay iska difaacdo duulaanka sharci darrada ah ee Ruushka, taas oo aan meesha ka saareen in la weeraro bartilmaameedyada Ruushka.

“Waxaan caddeynaynaa inta lagu jiro habka hibada in qalabka loo isticmaalo, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Ayaa lagu sheegay warka.

Tani ayuu macnaheedu yahay in taangiyada Britain, gantaalada lidka taangiyada iyo qalabka kale ee militari ee la siiyay Ukraine loo adeegsan karo qayb ka mid ah dalka Ruushka, si ay Ukraine isaga difaacdo weerarada Ruushka.

Ciidamada Ukraine ee gudaha ugu jira dhulka Ruushka ayaa wata taangiyada Challenger 2, oo horey uu Ingiriisku ugu deeqay.

Ukraine ayaa toddobaadkii hore bilowday in ay dagaalka u weeciso gudaha Ruushka, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamadeeda ay ka dagaalamayaan, duqaymana ay ka wadaan gobolada Ruushka ee xudududda saaran.

Hubeynta dalalka reer galbeedka ee Ukraine ayaa caqabad weyn ku noqotay Ruushka, lamana oga waxa ay Moscow kaga falcelin doonto xaaladdan soo korortay.

Khubarada ayaa qaba in mar hore lagu kala bixi lahaa duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, haddii aysan galbeedka si maldahan ugu lug yeelan lahayn dagaalkan.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka waa saddexda dal ee taageerada badan siiya Dowladda Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc