Keir Starmer ayaa noqday Raysal Wasaaraha xigga ee Ingiriiska, ka dib markii Xisbigiisa Labour-ka ama Shaqaalaha uu ku guuleystay kuraasta ugu badan ee Aqalka Baarlamaanka.
Xisbiga uu hoggaamiyo Keir Starmer ayaa guul aqlabiyad leh ka gaaray doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay muddo 14 sano ah oo tartanka doorashada lagaga adkaado Xisbiga Muxaafadka UK ee Conservative-ka.
Boqorka UK, Charles III ayaa maanta si rasmi ah ugu magacaabay Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha, Keir Starmer inuu noqdo Raysal Wasaaraha cusub ee Britain.
Boqor Charles ayaa goor sii horreysay aqbalay is casilaadda Hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka, waa Raysal Wasaare Rishi Sunak.
Bayaan ka soo baxay Qasriga Boqortooyada ayaa Keir Starmer loogu jeediyay in uu soo dhiso dowlad cusub.
Keir Starmer ayaa Jimcahan Xafiiska 10 Downing Streat ka jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay, waxaana uu ballanqaaday in si degdeg ah uu u bilaabi doono howlaha horyaalla xukuumaddiisa.
Mr. Starmer ayaa intaasi ku daray inay sida ugu dhakhsaha badan u bilaabi doonaan shaqada is bedelka.
Xisbiga Mucaadka ee Shaqaalaha ayaa helay 412 kursi, halka Xisbiga Muxaafadka ee Conservative-ka uu helay 121 kursi oo keliya, dhammaan 650-ka kursi ee kuraastii Baarlamaanka ee lagu tartamay.
Guushan uu gaaray Xisbiga Labour-ka ayaa uga dhigan mid taariikh ah, halka Xisbiga Conservative-ka ay uga dhigan tahay dhulgariir siyaasadeed.
Xisbiga Mucaaradka ee Labour-ka ayaa 14 sano oo uu la dhibaatoonayay natiijo la’aan, waxa uu hadda guul-darro ba’an u gaystay xisbigii talada hayay.
“Marka farqiga u dhaxeeya naf hurnimada ay dadku bixiyaan iyo adeegga ay ka helaan siyaasiyiinta uu sii weynaado, waxay keenaysaa daal ku dhaca wadnaha ummadda, oo meesha ka saaraya rajada iyo aaminaadda mustaqbalka wanaagsan.” Ayuu yiri Starmer oo hadlayay, markii xisbigiisu uu talada la wareegay in ka badan toban sano oo mucaarad ah.
Starmer ayaa yiri “Waxaan u baahanahay inaan hore u socono si wadajir ah. Hadda nabarkan, kalsooni la’aantan waxaa lagu bogsiin karaa oo keliya ficil maaha hadal, waan ogahay taas.”
Dadka reer UK ayaa maanta ku soo toosay, iyadoo is bedel weyn oo siyaasadeed uu dalku ka dhacay, waana waxa ay u baahnaayeen, sida ay codkooduba ku muujiyeen.