Home Wararka Caalamka Iran iyo Ciraaq oo kala saxiixday 14 heshiis

Iran iyo Ciraaq oo kala saxiixday 14 heshiis

by Laacib

Dowladaha Iran iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday in ka badan toban heshiis, intii lagu guda jiray maalinta koowaad ee booqashada Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian.

Madaxweynaha Iran ayaa Arbacadii booqashada ku tegay Caasimadda Baghdad, booqashadan oo noqonayso tii ugu horreysay ee dalka dibaddiisa uu ku tago, tan iyo markii xilka loo doortay, horaantii bishii July.

“Afar iyo toban heshiis iskaashi ayay kala saxiixdeen Iran iyo Ciraaq, taas oo ah meesha laga bilaabayo ballaarinta iskaashiga.” Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo uu garab taagnaa Raysal Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia Al Sudani.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu Madaxda Ciraaq kala hadlay qorsheyaal istiraatiijiyadeed iyo kuwa fog oo horseedi doona buu yiri iskaashi weyn oo dhex mara labada dal.

“Haddii aan wada joogno, waxaan ka fogaan doonnaa inaan ku dhacno dabka.” Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian.

Heshiiska la kala saxiixday ayaa khuseeya dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, khayraadka dabiiciga ah, waxbarashada, warbaahinta, amniga, tababarada, is weydaarsiga dhaqanka, dhallinyarada iyo ciyaaraha.

Xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Shiicada u badan ayaa xoogeysanayay, tan iyo wixii ka dambeeyay duulaankii Mareykanka uu kow iyo labaatan sano ka hor ku qaaday Ciraaq.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa ballanqaaday in uu mudnaan gaar ahi siin doono xiriirka dalalka deriska, iyadoo la yareynayo go’doominta reer galbeedka iyo saamaynta cunaqabateyntaasi ay ku leedahay dhaqaalaha Iran.

Iran waxa ay noqotay mid ka mid ah xulafada ganacsiga ee Ciraaq, waxayna saamayn weyn ku leedahay siyaasadda Baghdad, halkaas oo xulafadeeda Ciraaq ay u badan yihiin Baarlamaanka iyo Xukuumadda hadda jirta.

Ciraaq waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Dowladaha Bariga Dhexe ee ay saamaynta togan ku leedahay Iran.

Dalkan ayaa waxaa sidoo kale ka hawlgala maleeshiyaad u abaabulan Sunni iyo Shiico, oo taageero militari iyo mid maaliyadeedba ka hela Tehran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc