Home Wararka Caalamka Iran oo beenisay eedeyn uga timid Raysal Wasaaraha Lubnaan

Iran oo beenisay eedeyn uga timid Raysal Wasaaraha Lubnaan

by Laacib

Dowladda Iran ayaa iska fogeysay eedeymaha uu u soo jeediyay Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ee ku saabsan inay fara-gelin ku sameynayso arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Raysal Wasaare Mikati ayaa Jimcihii cambaareeyay hadal Khamiistii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ahaa in Tehran ay diyaar u tahay inay Faransiiska kala xaajooto, kalana shaqeyso dhaqangelinta qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 1701, isagoona hadalkaasi ku sheegay fara-gelin aan loo baahneyn oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Lubnaan. Mikati ayaa Tehran ugu yeeray inay joojiso wax kasta oo u dhigma sida uu yiri fara-gelin qaawan.

Qaraarka 1701 oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ansixiyay sanadkii 2006 ayaa gundhig u ahaa heshiiskii nabadda ee Lubnaan iyo Israel, ka dib markii Xisbullah iyo Israel ay gaareen heshiis xabad joojineed oo Qaramada Midoobey ee taageereysay. Heshiisku wuxuu ka dambeeyay, ka gadaal dagaal 33 maalmood socday oo dhinacyada dhex maray bartamihii sanadkaasi. Qaraarkan ayaana lagu ballaariyay Hawlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey (UNIFIL) ee ka hawlgala koonfurta dalka Lubnaan. Shuruudaha qaraarka nabadeynta ee Israel iyo Lubnaan ayaan si sax ah u shaqeyn, ka dib markii ay soo noqnoqdeen isku dhacyada Israel iyo Xisbullah, waana halka ay Iran ka soo gelayso sheekada ku saabsan inay diyaar u tahay in ay Faransiiska kala xaajooto, sidii loo hirgelin lahaa.

Afhayeenka Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Tehran aysan wax fara-gelin ah ku hayn madaxbannaanida Lubnaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in dalkiisu aanu qaadin wax tallaabo ah oo keeni kara in lagu tuhmo inuu fara-gelinayo arrimaha gudaha ee dalkaasi.

“Iran weligeed wax ujeeddo ah kama aysan yeelan ama ma qaadin wax tallaabo ah oo lagu tuhmaayo inay fara-gelinayso arrimaha gudaha ee Lubnaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Iran ay wada hadal la leedahay dal kasta oo la yimaada qorshe horseedaya in la joojiyo weerarada ay Israel ka waddo Lubnaan iyo Gaza.

“Waxaan wada hadal la leenahay waddan kasta oo leh hindise iyo soo jeedin lagu joojinayo dembiyada iyo gardarrada ka dhanka ah Lubnaan iyo xasuuqa Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran oo intaasi raaciyay in si khaldan loo fasirtay hadalka Ghalibaf.

Iran waa xulafada ugu muhiimsan ee Xisbullah, waana dalka keliya ee la ogyahay inuu taageerada militari, midda maaliyadeed iyo tababaraba uu siiyo Xisbullah.

Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in Xisbullah laga dhex arko Iran, ayna tahay ururka ugu weyn ee ururada hubeysan ee maanta ka jira Gobolka Bariga Dhexe.

Xisbullah waxaa lagu tilmaamaa ururka ugu awoodda badan dhanka siyaasadda iyo militariga ee dalka Lubnaan, waana ururka la sheego in uu ka hub iyo saamaynba badan yahay dalal badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc