Home Wararka Caalamka Iran oo Israel uga digtay bad aysan ka dabaalan karin

Iran oo Israel uga digtay bad aysan ka dabaalan karin

by Laacib

Iran ayaa Israel uga digtay inay gaysato dhibaato aysan hadhow ka lug bixi karin, xilligan oo laga yaabo inay Israel beegsato bartilmaameedyada gudaha Iran amaba danaheeda Gobolka Bariga Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami ayaa wacad ku maray in Israel ay la kulmi doonto jawaab xanuun badan, haddii ay soo qaaddo weeraro qar iska tuurnimo ah.

Taliyaha ayaa sheegaya in Iran aysan ka waaban doonin in ay jug culus ku dhufato Israel, mar kasta oo ay beegsato kaabeyaashooda.

“Haddii aad khalad sameysaan oo aad weerartaan bartilmaameedyadayada, hadday tahay gobolka ama Iran, waxaan mar kale idiin soo weerari doonaan si xanuun badan.” Ayuu yiri Taliyuhu.

General Hossein Salami ayaa sheegay in Tehran aysan hadda weerar ku ahayn Tel Aviv, balse haddii ay ku soo xadgudubto Iran ay la kulmi doonto cawaaqib aad u daran.

Labada dhinac ayaa maalmahaanba hanjabaado isaga jeedinayay qalabka Warbaahinta, ka dib weerarkii aan horey noociisa loo arag ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Hoggaanka Israel kula taliyay inaysan garaacin xarumaha nukliyeerka iyo saliidda ee Iran, ayna si kale uga aargudan karaan, sida inay weeraraan xeryaha ciidamada.

General Salami ayaa sheegay in nooc kasta oo weerar ah oo kaga yimaada Israel ay isu mid u yihiin, ayna ka bixin doonaan jawaab xanuun badan.

Iran ayaa toddobaadkii hore Dowladaha Khaliijka uga digtay in laga soo weeraro hawadooda, haddii kalena ay dagaalka qayb ka noqon doonaan.

Iran ayaa waxaa la leeyahay waxay beegsan kartaa ceelasha shidaalka xulafada Mareykanka ee gobolka, taasna ma ahayn mid ay Washington dan ugu jirto.

Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Qatar ayaa goor sii horreysay Mareykanka ka dalbaday in saamayntiisa uu u adeegsado xakameynta Israel.

Israel ayaa waxaa suurtagal ah inaysan weerarin bartilmaameedyada Iran ee dalkaasi, laakiin ay weerari karto danaheeda kale ee gobolka, si uun ay uga jawaabto weeraradii gantaal ee Tehran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc