Home Wararka Caalamka Iran oo mar kale diyaar u ah inay ruxdo Israel

Iran oo mar kale diyaar u ah inay ruxdo Israel

by Laacib

Dowladda Iran ayaa wacad ku martay in jawaab aan la arkin ay ka bixin doonto, haddii Israel ay weerar ku soo qaaddo taako ka mid ah dalkeeda.

Warbaahinta gobolka ayaa ku warameysa in Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah uu miiska u saaran yahay bartilmaameedyada la weerari doonto ee Israel.

Warbaahinta waxay sheegeysaa in Iran aysan ka laba labeen doonin inay mar kale weerarto dhulka Israel iyo dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, balse ay saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Israel.

Wararka ayaa sheegaya in Ilaalada Kacaanka Iran ay rakibteen gantaalada guuxooda ka dheereeya ee qorshuhu yahay in lagu garaaco Israel, haddiiba ay dhacdo in la soo weeraro.

Iran ayaa toddobaadkii hore 181 gantaal ku weerartay Israel, markaas oo ay ka aargudaneysay dilkii Israel ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Caasimadda Tehran.

Ebrahim Jabbari oo ah La taliyaha Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka, Hossein Salami ayaa sheegay in waxa ay Israel sugtaaba uu yahay jawaab adag.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay kun gantaal ku harqin doonaan dhulka yar ee Israel, taas oo ciriiri badan gelin doonto sida uu sheegay Israel.

Waxa uu sheegay xarumaha ammaanka, saldhigyada militariga iyo dhaqaalaha Israel ay dhammaantood noqon doonaan bartilmaameed.

Ebrahim Jabbari ayaa tilmaamay jugraafi ahaan in Israel ay ku fadhiso cabir yar, marka loo eego dalka Iran, sidaasi daraadeedna ay tahay in Tel Aviv ay taxadarto.

“Sahyuuniyadda waa inay ka taxadaraan dhibaatooyinka ka dhalan kara aargoosiga Iran.” Ayuu yiri Ebrahim Jabbari.

Jabbari ayaa ka digay in Iran ay awood buuxda u leedahay inay muddo gaaban ku burburiso Israel oo dhan.

“Waxaan nahay dal ballaaran, waxaanu abuurnay awood aanu kaga dhiidhin karno, haddii meel ka mid ah dalkeenna la soo weeraro, laakiin maxay samayn doonaan? Mareykanku kuma dhiiran doono inuu dagaal nala galo, maxaa yeelay si degdeg ah ayaan u dhalan rogi karnaa dhulkaas yar.” Ayuu yiri Jabbari.

Iran waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe, waana cadowga Israel iyo Mareykanka ee gobolka.

Iran waa dalka keliya ee hubeeya ururada hubeysan ee gobolka ee dagaalka kula jira Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc