Home Wararka Caalamka Iran oo Mareykanka ku eedeysay in uu qayb ka yahay dhiigga ay Israel daadineyso

Iran oo Mareykanka ku eedeysay in uu qayb ka yahay dhiigga ay Israel daadineyso

by Laacib

Dowladda Iran ayaa cambaareysay duqaymihii Israel ay Khamiistan ka gaysatay dalka Yemen, iyadoo dhinaca kalena eedeymo u jeedisay Mareykanka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei ayaa weerarka ay Israel ku qaadday kaabeyaasha dhaqaalaha Yemen ku tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah mabaadii’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobey.

Afhayeenka ayaa Mareykanka ku eedeeyay in taageeradiisa indha la’aanta ah ee Israel lagu fulinayo dembiyada ay Tel Aviv gaysaneyso, isla-markaana ay taageerada Mareykanka ku lug leedahay falalka Israel.

“Dembiyada Maamulka Sahyuuniyadda waxaa lagu fulinayaa taageerada shuruud la’aanta ah ee Mareykanka.” Ayuu yiri Esmaeil Baghaei.

Baghaei ayaa yiri “Washington waa gacan ku dhiiglaha sharci darrada iyo dembiyada ay gaysanayaan kooxaha dembiileyaasha ah ee xukuma Tel Aviv.”

Dhanka kale Baghaei ayaa ammaanay taageerada shacabka Yemen ay u hayaan Falastiin, isagoona ku tilmaamay mid sharaf leh.

Baghaei ayaa ugu baaqay caalamka iyo dunida Muslimka in ay gutaan masuuliyadda sharci iyo akhlaaqeed ee kaga aaddan sida uu yiri in laga hortago gardarrada Israel.

Xuuthiyiinta Yemen oo hoggaamineysa shacabka dalkaasi ayaa ka soo haray dalalka Islaamka ee ficil ahaan ka dhiidhinaya weerarada Israel ee ka dhanka ah dadka Gaza. Xuuthiyiinta ayaa weerarada ay ku hayan Israel ku qeexay mid ay garab istaag ugu muujinayaan shacabka Falastiin.

Xuuthiyiinta waa awoodda keliya ee hadda muuqato ee cadaadiska militari ku hayso Israel, si looga joojiyo weeraradeeda cadowtinimada ee nafaha badan galaafanaya.

Taageerada joogtada Mareykanka ee Israel waa tan Tel Aviv ka dhigtay inay ku tumato sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha, isla-markaana ay ka waabtaan Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe.

Mareykanka waa dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel, kaasoo sidoo kale hoggaamiya dalalka ku ilaaliya gobolka, inkastoo inta badan dalalkaasi aad mooddo in muddooyinkii u dambeeyay ay si uun uga gaabsanayeen taageeradooda Israel.

Mareykanka waa dalka qura ee la arki karo ee Israel ay dhankiisa ka liici la’dahay, waana saaxiibkeeda ugu muhiimsan ee ku difaaca siyaasad iyo militari ahaan, walow Israel ay lumisay taageeradii xoogga badneyd ee shacabka Mareykanka, ka dib markii ay ka horyimaadeen dhiigga dadka Gaza ee ay daadineyso.

Dadka Mareykanka waxay maanta ka mid yihiin bulshada caalamka ee sida weyn uga soo horjeeddo weerarada Israel ay sida aan kala sooca lahayn ugu leynayso shacabka aan waxba galabsan ee u badan haweenka iyo carruurta.

Dagaalka Gaza oo socdo in ka badan 14 bilood ayaa lagu dilay dad kor u dhaafaya 45,120 qof oo shacab ah, halka 107,338 kalena ay Ciidamada Israel ku dhaawaceen, sida ay maanta xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc