Dowladda Iran ayaa warqad u dirtay Mareykanka, iyadoo sii mareysa Qatar. Iran waxay farriinteeda ku sheegtay inaysan dooneyn dagaal gobolka oo dhan ah, waxayse si adag uga digtay weerar kasta oo kaga yimaada Israel.
Saraakiil Iraaniyiin ah ayaa Telefishinka Al Jazeera u sheegay in Tehran ay u caddeysay Washington in uu dhammaaday waqtigii ama wejigii is xakameynta ee halka dhinac.
Saraakiishan ayaa sheegay in Tehran ay wacad ku martay in Israel ay la kulmi doonto jawaab aan caadi aayn, oo ay ku jirto beegsiga kaabeyaasha muhiimka ah ee Israel.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian oo booqasho ku jooga Magaalada Doha ayaa muujiyay in danta Israel ay ku jirto in ay ka baaqsato weerarka Iran.
Madaxweyne Pezeshkian ayaa Warbaahinta u sheegay in dalkiisa lagu khasbay in Talaadadii uu weeraro Israel, ka dib dilkii Israel ay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyen ugu gaysatay magaalada caasimadda ah ee Tehran.
“Ma raadinayno dagaal aan la galno Israel, laakiin Israel waxay argagixisay martidayada Tehran, intii lagu jiray caleemo-saarkayga. Waxaan rabnaa inaan abuurno nabad, haddaad na khilaaftaan nabad ma dhismi doonto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Saraakiisha Mareykanka ayaa la aaminsan yahay in ay Israel kala shaqeynayaan, sidii ay uga aargudan lahayd Iran, inkastoo Washington aysan dooneyn in Israel ay weerarto kaabeyaasha muhiimka ah ee Iran, sida xarumaha tamarka nukliyeerka iyo weliba saliidda, haddii kalena dagaalka uu oodda jabsan doono.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii sheegay in ay isku dayi doonaan inay xakameeyaan Israel, si aysan u beegsan kaabeyaaha rayidka ee Iran.
Madaxweyne Biden ayaa xusay inay doonayaan in laga fogaado isku dhac ballaaran oo gobolka ah.
Iyadoo ay bil ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Washington ayaa waxaa suurtagal ah in ay juhdi ku bixiso, sidii looga hortagi lahaa adeegsiga gacan culus oo ka dhan ah Iran.
Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Arbacadii ku hanjabay weerar xoogan oo lagaga jawaabayo fara-gelinta tooska ah ee militari ee lagu taageerayo Israel.
Taliska Ilaalada Kacaanka ayaa dalalka reer galbeedka uga digay wax kasta oo horseedaya in Israel ay xadgudub ku soo sameyso dalka Iran. Taliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay hadaf militari noqon doonaan xarumaha iyo danaha dowladaha shiseeye ee Gobolka Bariga Dhexe, haddii aysan joojin taageeradooda Israel.
Khubarada militariga ayaa weerarkii Iran ay Talaadadii ku qaadday Israel ku macneeyay mid sii huriyay xiisadda muddooyinkanba ka jirtay Bariga Dhexe.
Khubarada ayaa qaba in jawaabta Israel iyo Mareykanka ay ka bixiyaan weerarka uu noqon karo bilowga dagaal weyn oo ka qarxa gobolka.
Weerarka Iran ayaa si guud looga dareemay dhulka Israel, iyadoona uu baqdin xoog leh ku abuuray shacabka Israel, kuwaa oo dareemay cawaaqibka dagaalka ay dowladdoodu fidineyso.
Inkastoo Mareykanku uu si buuxda u garab taagan yahay Israel, haddana waxaa la leeyahay waxa uu ka baxsanaya in uu ku lug yeesho dagaal aan ciribtiisa la aqoon.
Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in Mareykanka ay tahay in uu ka fiirsado dagaalkan, haddii kalena danihiisa gobolka iyo saldhigyada ciidamadiisuba ay la kulmi doonaan weeraro aan joogsi lahayn, taasina ma ahan mid ay Washington hadda diyaar u tahay.