Iran ayaa waxay sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay adeegsadeen hawada dalka Ciraaq, ka hor inta aysan duqaymaha ka gaysan dalkeeda.
Israel ayaa Sabtidii sheegtay in ay qaadday weerar xadidan, oo ay ku bartilmaameedsaneysay saldhigyada ay leeyihiin ciidamada dalkaasi.
Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay weerarka dalkiisa soo qaadeen, iyagoo adeegsanaya hawada Ciraaq.
Inkastoo sida uu sheegay aysan diyaaradaha Israel gudaha u soo gelin hawada Iran, haddana waxaa uu sheegay in meel qiyaastii 110km u jirta xuduudda ay ka garaaceen dhowr saldhig iyo raadaarka lagu la socdo dhaqdhaqaaqyada.
Safiirka ayaa qoraal ku sheegay in Ciidamada Mareykanka ay maamulaan hawada Ciraaq, isla-markaana ay ka qayb qaateen dembigan, sida uu yiri.
“Hawada Ciraaq waxaa maamulkeeda gacanta ku haya Taliska Ciidamada Mareykanka. Ka qayb qaadashada Mareykanka ee dembigan waa hubaal.” Ayuu yiri Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey.
Dhanka kale Tehran ayaa xalay xaqiijisay in tirada askarta kaga dhimatay duqaymaha ay gaartay afar askari, ka dib markii ay shalay sheegtay in laba askari ay kaga dhinteen.
Taliska Militariga Iran ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Israel ay weerarka u adeegsatay gantaalaha ridada dheer, isla-markaana leh madaxyo fudud, kuwaa oo sida ay sheegeen lagaga soo riday meel illaa 100km ka baxsan xuduudda Iran.
“Gantaalada loo adeegsaday weerarka waxay lahaayeen madaxyo fudud oo qiyaastii 5 meelmood meel ahaan le’eg madaxyada gantaalaha ballaastikada ah ee Iran.” Ayaa lagu sheegay bayaanka Militariga Iran.
Waxay sheegeen in laga hortegay tiro badan oo gantaaladaasi ah, tiro yar oo ka mid ahna ay gaysteen khasaare kooban.
“Gantaaladan ayaa loola dan lahaa nidaamka raadaarka ee Gobolada Ilam & Khuzestan ee xuduudda iyo sidoo kale agagaarka Caasimadda Iran ee Tehran.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Khubarada amniga ayaa sheegaya in Israel ay weerar aad u xididan ku qaadday Tehran, marka loo eego hanjabaadeedii ku saabsaneyd inay si adag uga aargudan doonto weeraradii gantaal ee Iran ay 1-dii bishan ku ekeysay dhulkeeda.
Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegay in Tehran lagu wargeliyay in weerar uu ku soo socdo, ka hor inta aan la fulinin.
Militariga Israel waxay sheegeen in jawaabtooda ay intaas kaga egtahay, waxayse ka diggeen falcelin kasta oo Iran uga timaada.