Home Wararka Maanta Isbitaal u gaar ah ciidamada hawlgalka wada oo laga hirgeliyay Degmada Balidhidhin

Isbitaal u gaar ah ciidamada hawlgalka wada oo laga hirgeliyay Degmada Balidhidhin

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Degmada Balidhidhin ee Gobolka Bari ka hirgelisay isbitaal ay tahay in si gaar ah loogu daryeelo ciidamada hawlgalka ka wada gobolkaasi.

Isbitaalkan ayaa loo dhameystiray qalabka aan looga maari karin in lagu la tacaalo dhaawacyada askarta. Sidoo kale maamulka ayaa isbitaalkaasi geeyay dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad.

Axmed Cabdi Hurre oo ka mid ah Guddga Taakuleynta & Daryeelka Dhaawacyada Ciidamada ayaa sheegay in maamulku aanu waxba ka reeban doonin Ciidanka Difaaca Puntland ee hawlgalka ka wada Buuraleyda Calmiskaad, isla-markaana ku foogan ciribtirka kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 31-kii bishii December magacaabay guddigan oo ka kooban toddobo xubnood, una badan Wasiiro, si ay dusha ugu ritaan daryeelka iyo ka warqabka ee xaaladda ciidamada.

Balidhidhin ayaa ah meesha la keeno meydadka iyo dhaawacyada askarta, iyadoo markii hore dhaawacyada looga qaadi jiray dhinaca Magaalada Boosaaso.

Dhulka ay ciidamadu kula dagaalamayaan maleeshiyada Daacish ayaa wax ka badan 260km dhinaca bari kaga beegan Magaalada Boosaaso, taasoo keentay in Balidhidhin loo arko goobta ku habboon ee lagu daryeeli karo dhaawacyada askarta.

Puntland ayaa guluf ballaaran ku hayso maleeshiyadaasi, iyadoona Madaxweyne Deni uu wacad ku maray in argagixisada ay ka ciribtiri doonaan deegaanada Puntland.

Waa gulufkii ugu weynaa ee Puntland ku qaaddo Daacishta Somaliya, tan iyo markii bishii October ee sanadkii 2015 lagaga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc