Kumanaan qof ayaa Salaaddii Jimcaha buuxdhaafiyay Masjidka Imam Abdul Wahab ee Magaalada Doha, halkaas oo Salaadda Janaasada lagu la tukaday Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas ee Falastiin, oo Arbacadii lagu dilay Magaalada Tehran.
Masuuliyiin iyo siyaasiyiin isaga kala yimid Bariga Dhexe iyo dalalka Islaamka qaarkood ayaa buuxiyay masaajidkaasi, iyadoona Salaadda Janaasada iyo aaska marxuumka ay ka soo qaybgaleen xubno ka socda Ururka Islamic Jihaad iyo Maamulka Falastiiniyiinta ee uu fadhigoodu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Masuuliyiinta kale ee Salaadda Janaasada ka qaybgalay ayaa laga xusi karaa Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.
Khaled Mashal oo ka tirsan Saraakiisha Xamaas, kana hadlay Masjidka ayaa sheegay in dilka ay Israel u gaysatay Ismail Haniyeh aanu joojin doonin halganka ay shacabka Falastiiniyiinta ugu jiraan xaqa iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay yeeshaan dowlad la aqoonsan yahay.
“Geerida shahiid Ismail Haniyeh waxay shacabka Falastiin ka dhigeysaa kuwo xoogan, oo ay ka go’an tahay halganka ay kula jiraan cadowga.” Ayuu yiri Khaled Mashal oo horey u soo noqday Hoggaamiyaha Xamaas.
Intaasi ka dib meydka Ismail Haniyeh ayaa lagu qaaday naxash uu ku daboolan yahay Calanka Falastiin, iyadoo ay dadweyne fara-badan gelbinayeen, waxaana la geeyay oo lagu aasay Qabuuraha Magaalada Lusail ee waqooyiga Doha.
Suurtagal ma ahayn in marxuumka lagu aaso Marinka Gaza, oo ah goobtii uu ku dhashay, marka loo eego dagaalka halkaasi ka socda.
Meelo badan oo dunida ka mid ah ayaa waxaa Jimcahan lagu qabtay kulamo loogu duceynayay Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas.
Isku imaatinadan ayay dadku garab istaag ugu muujinayeen shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya gacanta adag ee maamulka gumeystaha.
Shacabka Falastiiniyiinta ayaa waxaa aad u saameeyay dilka Ismail Haniyeh, iyagoona muujiyay, sida ay uga xun yihiin dilkan oo la sheegayo in ay Israel gaysatay.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in Falastiiniyiintu ay fahmeen in dilkiisu uu saamayn ku yeelan doono noloshooda, meel kasta oo ay joogaan.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in shacabka Falastiiniyiinta ay hadda muujinayaan midnimo dhexdoooda ah, Israel-na aysan jecleysan doonin calaamadaha midnimada Falastiiniyiinta.
Ismail Haniyeh oo deganaa dalka Qatar ayaa ahaa wejiga diblomaasiyadda Ururka Xamaas ee Falastiin, isagoona ururka ku metelayay fagaareyaasha caalamiga ah.
Dilka Ismail Haniyeh ayaa yimid maalin uun ka dib weerarkii xagga cirka ee ay Israel ku dishay Abaanduulihii Garabka Militariga Xisbullah, Fu’ad Shukur, taasoo sii hurisay dabka ka shidan gobolka.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa xoogeysanaya walaaca laga qabo in colaadda Gaza ay gobolka ku riixdo dagaal ballaaran.