Home Wararka Caalamka Israel oo garaacday dhisme ay deganaayeen kumanaan qof oo soo barakacay

Israel oo garaacday dhisme ay deganaayeen kumanaan qof oo soo barakacay

by Laacib

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen, markii diyaaradaha dagaalka Israel ay beegsadeen dhisme iskuul iyo laba guri oo kale oo ku yaala Marinka Gaza.

Diyaaradaha Israel ayaa garaacay Dugsiga Wiilasha Al-Jaouni ee ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ku jira 19 haween iyo carruur ah, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaadka Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in ay iyadu maamuleysay iskuulka la weeraray.

UNRWA waxay sheegtay in iskuulku uu hadda hoy u ahaa kumanaan ka mid ah qoysaska sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Kumanaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hadda gabaadsanayay xarumaha waxbarashada ee ku yaala Marinka Gaza ee ay gacanta ku hayso Hay’adda UNRWA, kuwaa oo haatan aan shaqeyneynin.

“Ka dib markii uu dagaalku bilowday, UNRWA waxaa lagu khasbay inay xirto dhammaan dugsiyadeedii, iyada oo hoy uga dhigtay qoysaska barakacayaasha.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay UNRWA.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarka ay kaga hortaggayeen Xoogaga Xamaas, oo sida ay sheegeen weeraro qorsheynayay, warkaas oo aysan jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Xarumaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ay hay’adaha caalamiga ah ku leeyihiin Marinka Gaza ayaa waxaa si weyn u saameeyay weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel.

Inkastoo Israel ay wajaheyso cambaareyn caalami ah, haddana waxay weli sii waddaa weerarada bahalnimo ee ay ku leynayso dadka rayidka ah.

Israel ayaa isku dayeysa in ay uga sii darto nolosha adag ee ay dhexda kaga jiraan dadka rayidka ah, si ay ugu gaarto guusha dagaalka ay u baahan tahay.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa 11-kii bilood ee la soo dhaafay Ciidamada Israel kula dagaalamayay Marinka Gaza, taasoo noqotay caqabadda Israel ka hortaagan xaqiijinta yoolashii ay ugu duushay Gaza.

Israel ayaa lagu dhalleeceeyaa in ay jebisay xeerarka caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, iyadoona uu caalamka ku cambaareeyay qaabka ay u waddo hawlgalkeeda Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa toddobaadkii hore ku goodiyay in Tel Aviv aysan joojin doonin dagaalka Gaza, illaama laga burburinayo Xamaas, lagana soo furanayo dadka looga haysto gudaha Gaza, balse ma sheegin waqti intee le’eg ayaa ku filan, si ay uga mira-dhaliyaan saddexdii hadaf ee ay u weerareen Gaza.

Israel ayaa dhowr jeer Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku gacan seyrtay in si degdeg ah xabad joojin looga sameeyo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc