Wafdiga Ururka Xamaas ee Falastiin iyo Maamulka Israel ayaa ku laabtay Magaalada Doha, si loo sii amba-qaado wada hadalada wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Inkastoo aysan labada dhinac si toos ah isku horfariisaneyn, haddana dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa sii wadi doona wada hadalada, iyadoo ay marba koox la kulmayaan.
Wararka ayaa sheegaya in wareeggan labaad ee wada hadalada uu ka adkaan doono kiisii hore, maadaama la doonayo in lagu gaaro heshiis horseedi kara in si toos ah loogu soo afjaro dagaalka iyo caqabad ka imaneysa dhanka Israel.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wafdiga Israel ay shuruudo cusub la iman doonaan miiska wada hadalka, taas oo rajada in heshiis la gaari karo ka dhigeysa mid aad u yar.
Israel iyo Xamaas ayaa horey ugu heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo looga gol leeyahay in si buuxda loogu soo afjaro dagaalka Gaza. Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaana si buuxda u aqbashay heshiiskan, kaas oo ku jiidaya dhabo si rasmi ah loogu joojinayo dagaalka.
Warbaahinta gobolka ayaa hadda ku warameysa in Raysal Wasaare Netanyahu uu doonayo in ay wax ka bedelaan qodobada heshiiska, tani oo mugdi gelineysa in heshiiska la cusbooneysiiyo, si maxaabiis hor leh loo sii daayo.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Netanyahu uu damacsan yahay in ciidamadiisu ay sii joogaan Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor oo isku xirto Marinka Gaza iyo Masar.
Netanyahu ayaa la sheegaya in heshiis kasta oo la gaarayo uu ku xirayo in lagu saleeyo joogitaanka Militariga Israel ee Philadelphi Corridor iyo inaysan Xamaas sii maamulin Marinka Gaza, iyadoo ayna caddahay in Xamaas ay diidi doonto.
Labada dhinac ayaa wejigii koowaad ee heshiiska isku afgartay in ciidamada ay halkaasi ka baxaan, marka la saxiixo wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.
Netanyahu ayaa ka cabsi qaba inay burburto xukuumaddiisa ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog, oo gebi ahaanba diidan in xukuumadda ay Xamaas la gaarto heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, waana sababta uu u fashilinayo in xabad joojintu ay sii shaqeyso.
Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda Israel ahna Hoggaamiyaha Xisbiga National Union–Tkuma ayaa wacad ku maray in xisbigiisu uu ka bixi doono dowladda wadaagga ah, haddii aan dagaalka dib loo bilaabin bisha March.
Smotrich ayaa sheegay in dagaalka oo la sii wado ay ku jiri karto xukuumadda uu hoggaaminayo Netanyahu, haddii kalena uu dalka aadi doono doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa dhawaan sheegay in ay sii socon doonaan wada hadalada u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, si loo xaqiijiyo hirgelinta heshiiska, iyadoo la joojinayo colaadda Gaza.
Smotrich ayaa ku celiyay inaysan jirin sabab ay uga sii mid ahaadaan dowladda, haddii ay xabad joojintu sii socoto.
Caqabad kasta oo soo wajahda xabad joojinta jilicsan ayaa keeneysa in dagaalka uu dib uga qarxo Marinka Gaza.
Labada dhinac ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay lix toddobaad oo xabad joojin ah iyo in la is dhaafsado tiro badan oo maxaabiis ah.
Wejiga koowaad ee xabad joojinta oo 19-kii January ka bilaabatay Gaza ayay illaa iyo hadda Xamaas ku sii deysay 16 qof oo Israeliyiin ah, halka Israel-na ay xabsiyadeeda ka sii deysay 566 Falastiiniyiin ah.
Heshiiska ayaa dhigaya in marxaladda koowaad lagu sii daayo 33 Israeliyiin ah iyo 1,900 Falastiiniyiin ah. Israel waxay sheegtay in 8 ka mid ah dadka ay Xamaas sii deynayso ay dhinteen.
Qoysas badan oo Israeliyiin ah ayaa ka walaacsan inay meesha ka baxdo maxaabiistii ay filayeen in lagu soo sii daayo marxaladda labaad iyo saddexaad ee heshiiska.
Dadka reer Gaza qudhooda ma doonayaan in ay dib ugu laabtaan xaaladihii khalaafsanaa ee ka dhashay weeraradii aan kala sooca lahayn ee Israel.
Mareykanka, Turkiga iyo Masar ayaa horey u damaanad qaaday fulinta heshiiskan, laakiin ma cadda, sida ay gacanta kooxda Netanyahu u qaban doonaan.
Haddii xabad joojinta Gaza aysan sii socon, macnaheedu waxaa weeye in Gobolka Bariga Dhexe uu dib ugu laabanayo xiisaddii kacsaneyd ee ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza.