Israel ayaa hadda ballaarisay hawlgalka dhinaca dhulka ee ka dhanka ah koonfurta Lubnaan, ka dib markii toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday hawlgal xadidan oo ciidamadeeda ay ka sameynayaan deegaanada xuduudda ee labada dal.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ciidan xoojin ah la geeyay deegaanada xuduudda, si ay uga qayb qaataan gulufka la doonayo in lagu burburiyo Xoogaga Xisbullah ee ka dagaalamaya deegaanada xuduudda.
Militariga Israel ayaa shaaciyay in qayb saddexaad oo ciidan ah, kana kooban dhowr guuto la geeyay xadka, iyadoo la dardargelinayo hawlgalka dhinaca dhulka ee lagu la dagaalamayo Xisbullah.
“Qaybta 91aad ee Ciidanka Difaaca Israel oo ka hawlgasha waqooyiga Israel ayaa hawlgal maxali ah ka bilaabay Lubnaan.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Militariga Israel.
Bayaanka ayaa lagu yiri “Qaybta 91aad waaxay ku biirtay saddex qaybood oo kale, kuwaas oo ka shaqeeya dhulka Lubnaan.”
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa dadka reer Lubnaan ugu baaqay inay isaga fogaadaan dhulka xeebaha iyo weliba badda ee koonfurta Lubnaan.
Afhayeenka ayaa sidoo kale qof kasta kula taliyay in uu xitaa ka fogaado isticmaalka doomaha kalluumeysiga ee lagaga jilaabto Webiga Awali oo dhinaca waqooyi ka mara magaalada xeebta leh ee Sidon. Sidon ayaa ka mid ah magaalooyinka koonfurta Lubnaan.
Afhayeenka ayaa muujiyay in goobahaas oo dhan ay bartilmaameed noqon karaan, xilligan oo Israel ay dagaal adag kula jirto Xisbullah.
“Ciidamada Badda Israel ayaa halkaasi ka bilaabi doona hawlgal ka dhan ah Xisbullah. Iska ilaali inaad joogtid badda ama xeebta hadda, illaa ogeysiis dambe. Joogitaanka xeebta iyo dhaqdhaqaaqa doomaha ee aagga Webiga Awali waxay khatar ku yihiin noloshaada.” Ayuu yiri Avichay Adraee.
Israel ayaa waxay damacsan tahay in ay koonfurta Lubnaan ka sameyso aag ka caagan Ururka Xisbullah, iyadoo markaasi qoysaskii Israeliyiinta ee ku barakacay xiisadda dib loogu soo celinayo guryahooda.
Hawlgalka hawada ee Israel ka waddo dalka Lubnaan oo dhan iyo xoojinta furinta dhinaca dhulka ee xuduudda ayaa muujinaya, sida uu dagaalku u ballaartay.