Shacabka Falastiiniyiinta ayaa ka barakacaya xerada qaxootiga Maghazi ee bartamaha Marinka Gaza, ka dib amar ka soo baxay Taliska Militariga Israel.
Afhayeen u hadlay Taliska Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa shacabka faray inay ka guuraan Maghazi iyo xaafadaha ku dhow dhow.
Afhayeenka ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay gantaalo ka soo tuureen aaggaasi, Militariga Israel-na uu si adag uga jawaabi doono.
“Badqabkiina awgiis, si degdeg ah ugu guuro aagga bani’aadantinimada.” Ayuu yiri Avichay Adraee, iyadoo aysan jirin meel ammaan ah oo ku taala Marinka Gaza.
Dadkii horey u deganaa xerada Maghazi iyo kuwii kale ee dhawaan ku soo barakacay ayaa bilaabay in ay ka barakacaan goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen.
Waa markii saddexaad oo maalmo gudahood ay Israel amar ku bixiso in dadku ay uga guuraan xaafado badan.
Israel ayaa maalmahaan barakacin khasab ah ka wadday koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza, haddase waa bartamihii Marinka Gaza.
Israel ayaa weli ku dhiiran inay sii waddo ciqaab wadareedka ay ku hayso dadka reer Gaza, kuwaa oo dhibane u noqday dembiyadeeda joogtada ah.
Dilka, gaajeysiinta iyo barakacinta joogtada ah ee lagu hayo shacabka tabaaleysan waa mid ay Israel ku kordhineyso xaaladda quusta ah ee ay la nool yihiin shacabka aan waxba galabsan.
Gabood-faladan ugu dambeeyay ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa imanaya, iyadoo ay jirto rajo laga qabo inay guuleystaan dadaalada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda Gaza.
Xadgudubyada Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka ayaa waxaan jirin cid si dhab ah ugu la xisaabtameysa.