Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay weerar ku qaaday dhisme la degan yahay oo ku yaala Magaalada Dimishiq ee dalkaasi Suuriya.
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay xaafadda Mazzeh, ka gadaal markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen dhisme 12 dabaq ka kooban.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in toddobo qof ay ku dhinteen weerarka, oo ay ku jiraan carruur iyo haween, 11 kalena ay ku dhaawacantay.
SANA ayaa ku warantay in diyaaradaha Israel ay beegsadeen dhisme ay shacabku degan yihiin iyo xarun kale oo ganacsi.
Shaqaalaha gurmadka degdegga oo goobta gaaray ayaa dhibaneyaasha u qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada.
Muuqaalada laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya burbur soo gaaray dhismaha la deganaa, dhegxaanta burburka oo daboolay waddada hoose iyo qashin dusha kaga soo daatay baabuur halkaasi tiilay.
Dhismaha la weeraray ayaa u dhow Xarunta Safaaradda Iran, iyadoo xaafadda Mazzeh ay ku yaallaan dhowr Safaaradood iyo weliba xarumo ammaan.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dhismaha ay inta badan tagaan Saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran iyo Ururka Xisbullah.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in xilligii uu weerarku dhacayay uu dhismaha kulan uga socday xubno ka tirsan Xisbullah iyo Ilaalada Kacaanka Iran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa si adag u cambaareysay weerarka, waxayna ku sheegtay mid ka dhan ah dadka rayidka ah ee aan is difaaci karin.
Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dunida looga baahan yahay tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo Israel, si aysan gobolka ugu jiidin iska horimaad ka dhalan doona sida sheegtay cawaaqib xun.
Iran ayaa dhankeeda cambaareysay weerarkan, iyadoona ku eedeysay Israel, inkastoo Israel aysan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin weerarkaasi. Israel ayaan inta badan ka hadlin weerarada xagga cirka ee ay ka fuliso dalkaasi.
Safaaradda Iran ee Suuriya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aysan jirin muwaadiniin reer Iran ah oo lagu dilay amaba ku dhaawacmay weerarka.
Israel ayaa tan iyo sanadkii 2011 dalka Suuriya ka wadday duqaymo ay ku bartilmaameedsaneyso Saraakiisha Suuriya, kuwa Militariga Iran iyo xubnaha ay la xiriiriso Xisbullah.
Weerarka ayaa imanaya, iyadoo gobolku uu qarka u saaran yahay isku dhac ballaaran.