Home Wararka Caalamka Israel oo bilowday inay si degdeg ah uga jawaabto digniintii Mareykanka

Israel oo bilowday inay si degdeg ah uga jawaabto digniintii Mareykanka

by Laacib

Gargaarkii ugu horreyay ayaa gaaray waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay ku dhawaad laba toddobaad ka hor ay si guud u joojisay gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay waqooyiga Marinka Gaza.

Israel ayaa ogolaatay in gargaarka la gaarsiiyo waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo ka jawaabeysa digniintii Mareykanka ee ku saabsaneyd inay fasaxdo gargaarka, haddii kalena uu ka joojin doono qayb ka mid ah kaalmada militari.

Mareykanka ayaa Israel u sheegay inay tahay in si degdeg ah ay u kordhiso gargaarka la gaynayo Gaza ama uu dhimi doono qayb ka mid ah hubkii uu siinayay.

Warqad ay ku saxiixnaayeen Wasiirada Arrimaha Dibadda, Antony Blinken iyo Gaashaandhigga Lloyd Austin ayaa Israel loogu sheegay in ay muddo 30 maalmood ah sare ugu qaaddo helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in 50 gawaarida xamuulka ah oo gargaar ka soo qaaday dalka Jordan ay gaareen waqooyiga Marinka Gaza.

Gargaarkan ayaan ku filneyn dhowr boqol oo kun oo Falastiiniyiin ah oo ku go’doonsan qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joogteeyo gargaarka.

Militariga Israel ma sheegin inuu sii socon doono gargaarka la ogolaaday in la geeyo dhulkaasi iyo in kale, balse Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa ka digay in Xamaas ay ka faa’iideysato kaalmada bani’aadantinimo ee loogu talagalay dadka rayidka ah.

Ciidamada Israel oo horaantii bishan dib ugu laabtay waqooyiga Marinka Gaza ayaa si weyn u go’doomiyay xerada qaxootiga Jabalia, halkaas oo inta badan ay dadku ku nool yihiin.

Israel ayaa ku hanjabtay inay wiiqi doonto Xoogaga Xamaas ee ka dagaalamaya deegaanada waqooyi ee Marinka Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa dhalleeceeyay qaabka ay Israel u waddo dagaalkeedan, marka aad eegto in dadku aysan ka soo bixi karin halkaasi, loona diiday in wax gargaar ahi la gaarsiiyo.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda Thomas-Greenfield oo xalay ka hadleysay fadhi uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay masiibada bani’aadantinimo ee Gaza ayaa sheegtay inaanan la aqbali karin in raashiinka loo adeegsado sida hub oo kale.

Linda Thomas-Greenfield ayaa Israel ugu baaqday inay si degdeg ah wax uga qabato xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza.

Israel ayaa muddo sanad ah ciqaab wadareed ku haysay dadka rayidka ah, oo ay isugu dartay dil, gaajeysiin iyo barakacin joogto ah.

Duqaymaha aan loo meel dayeynin ee Israel ayaa sababay burburka inta badan guryihii la deganaa ee Gaza iyo weliba kaabeyaasha rayidka.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa keenay in raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ay Marinka Gaza ka noqdaan, waxa loogu baahida badan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc