Taliska Militariga Israel ayaa xoojiyay ciidamada ka jooga jiidda waqooyi, gaar ahaan xuduudda dalka Suuriya, iyadoona laga cabsi qabo in furin kaloo saddexaad oo dagaal ah uu ka qarxo Bariga Dhexe, ka dib dagaalka Gaza iyo kan Lubnaan.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Israel uu guutooyin cusub oo ciidamo ah uu geeyay dhulka Buuraleyda Golan ee laga haysto Suuriya.
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay dhufeyso ka qoteen inta u dhaxeyso Buuraha Golan iyo aagga militariga ka caagan ee ay hadda ku egtahay xuduudda Suuriya.
Ciidamada Suuriya ee degan koonfurta ayaa sheegay in Israel ay ku soo durugtay xeendaabka kala xadeeya Buuraha Golan ee la haysto iyo aagga DMZ ee Suuriya.
Militariga Suuriya ayaa laga soo xigtay inaysan jiri doonin wax u dhaxeeya iyaga iyo Israel, haddii uu dagaal bilowdo.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedada ka dambeysa in Israel ay dhaqdhaqaaq militari ka bilowdo xuduudda Suuriya. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka baqdin qabto in weerar dhinaca dhulka ah uu kaga yimaado xoogaga gobolka ee taageera Ururka Xisbullah, waa sida ay warineyso Warbaahinteeda.
Xoogagan oo doonaya in garab istaag loo muujiyo Xisbullah ayaa waxaa la sheegay inay soo buuxiyeen meel aan ka fogeyn aagga militariga ka caagan ee labada dal, ayna suurtagal tahay in ay weeraraan Buuraha Golan, iyadoo laga xoreynayo Israel oo ku qabsatay dagaalkii ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii.
Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in laga yaabo in Israel ay halkaasi kaga duusho Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, iyadoo markaasi culeyska ku kordhineysa ururkaasi.
War loo qaateen ah oo Warbaahinta caalamiga ah ay heshay ayaa sheegaya in Israel ay qorsheynayso in ay ka hortagto joogitaanka Militariga Iran ee dalka Suuriya, si ay u burburiso kaabeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran ay ku leeyihiin dalkaasi.
Weeraradan ayaa noqon kara mid ay Israel kaga aargudaneyso weeraradii gantaal ee ay Iran 1-dii bishan ku qaadday Israel, iyadoo ka jawaabeysay dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.
Israel iyo Iran ayaa waxaa suurtagal ah inay ku dagaalamaan dalka Suuriya, taas oo abuureysa khatarta ah in qulqulatooyinku ay horseedi karaan dagaal furan oo u dhaxeeya labada dal.
Navvar Saban oo ah fallanqeeye militari oo ka tirsan Harmoon Center oo fadhigeedu yahay Magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kasta oo ka dhaca dalka Suuriya ay noqon doonaan wax u adeegaya istiraatiijiyadda dagaalka Israel ee dalka Lubnaan.
Khubarada ayaa qaba in Israel ay joogitaanka Iran ee Suuriya u aragto mid khatar ku ah gulufka ay dooneyso in ay ku soo afjarto Xisbullah.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Taliska Militariga uu u jiheystay dhinaca xuduudda Suuriya, ka gadaal markii Taliyaha Ciidanka Difaaca Israel ee jiidda waqooyi, General Ori Gordin uu Taliska Guud ugu baaqay in loo baahan yahay in loo diyaargaroobo wax ka qabashada xaaladda amni ee waqooyiga.
Warbaahinta maxaliga ayaa tebineysa inay Israel tuhunsan tahay in Iran ay xoogaga hubeysan ee gobolka isaga kala yimid ay ku soo jiheynayso Buuraha Golan, ayna dooneyso inay ka hortagto, ka hor inta aysan soo weerarin.
Dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka jira Bariga Dhexe waxay keenayaan kicin ballaaran oo gobolka ku sii jeedeysa xaalad hubinti la’aan ah.