Ciidamada Israel ayaa mar kale duqayn ay dad rayid ah ku dhinteen ka gaystay xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa duqayntan u gaystay goob ay dadka barakacayaasha ah degan yihiin, taas oo qiyaastii 150 mitir u jirta xerada barakacayaasha ee habeenkii Axadda la duqeeyay.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Israel ay xalay bartilmaameedsatay teendhooyin ay deganaayeen dadka barakacayaasha, isla-markaana ay halkaasi ku dhinteen in ka badan 16 qof.
Sidoo kale Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii garaacay goob kale oo dadka barakacayaasha degan yihiin oo ku taala deegaanka Al-Mawasi, oo aan sidaasi uga fogeyn galbeedka Rafah.
Al-Mawasi ayaa ah halka ay Israel dadkii ay ka barakacisay bariga Rafah u sheegtay inay tahay aag nabdoon, isla-markaana ay taggaan.
Iyadoo duqayntan ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 qof, haddana Israel ayaa dafirtay inay iyadu tahay cidda weerartay xerada ku taala Al-Mawasi.
Duqayntii habeenkii Axadda loo gaystay xerada barakacayaasha ee ku taala xaafadda Tel Al-Sultan ee galbeedka Rafah ayaa galaafatay nolosha 45 qof.
Duqaymaha saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka socday bartamaha iyo galbeedka Rafah ayaa dad fara-badan oo barakacayaal ah ku khasbay in ay ka cararaan fidinta colaadda. Rafah ayaa horey loogu aqoonsaday aag bani’aadantinimo, waxayna hoy u ahayd 1.5 milyan oo barakacayaal ah.
Qaramada Midoobey ayaa hadda sheegeysa in ka badan hal milyan oo qof in ay ku barakaceen colaadda ay Israel ku baahisay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in barakaca ka socdo Rafah uu noqonayo kiisii ugu weynaa, ee ay dhowr toddobaad gudahood ku barakacaan dadkii ugu badnaa.
Qoysaska barakacayaasha ee laga barakaciyay Rafah ayaa waxay haatan ku kala firirsan yihiin xeryo cooshado ka sameysan oo ku yaala qaybaha Marinka Gaza iyo dhul ay Israel si xun u burburisay.
Barakacinta khasabka ah ee lagu hayo dadka reer Gaza ayaa sii adkeynaysa xaaladooda nololeed, kuwaa oo markii horeba la halgamayay, sidii ay ku heli lahaayeen wixii ay quudan lahaayeen.
Afhayeenka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Margaret Harris ayaa sheegtay in Marinka Gaza ay ka jirto xaalad aan horey loo arag.
Margaret Harris ayaa Warbaahinta u sheegtay in raashiinka iyo shidaalka la hortaagan yahay inay soo galaan dhulka la burburiyay ay kaga sii dareyso dhibaatada bani’aadantinimo ee halkaasi ka taagan.
Indhaha dunida oo dhan ayaa ku sii jeeda waxa ka soconaya Marinka Gaza, gaar ahaan deegaanka Rafah, iyadoona Israel ay weli ka dhego fureysaneyso baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo in ay joojiso weerarka ballaaran ee Rafah, isla-markaana ay ogolaato in wax laga qabto masiibada ba’an ee bani’aadantinimo ee ay ka abuurtay dhulka ciriiriga ah.