Home Wararka Caalamka Israel oo dhacdo kale oo laga naxay ka gaysatay Marinka Gaza

Israel oo dhacdo kale oo laga naxay ka gaysatay Marinka Gaza

by Laacib

Ugu yaraan 22 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerar xagga cirka ah, oo Israel ay maanta ku beegsatay dhisme iskuul oo ku yaala Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen Dugsiga Zeitoun ee bariga Magaalada Gaza.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in dadka goobta lagu dilay ay ku jiraan 13 carruur ah iyo lix cumar ah, kuwaa oo ka mid ah qoysaska barakacayaasha ee halkaasi gabaadka u soo doontay.

“Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo ay ku jiraan dhowr qof oo si xun u gubtay. Waxaa jira laba qof oo la la’yahay.” Ayay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Xafiiska Warfaafinta Xamaas ayaa sheegay in Israel ay mar kale xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza, ayna tahay in caalamka uu kula xisaabtamo dembiyada dagaal ee ay gaysaneyso.

Qoysaska barakacayaasha ee sida khasabka ah looga soo barakaciyay guryahooda ayaa waxaa muuqata in ay ku nabad geli la’yihiin kaabeyaasha dadweynaha, taas oo noqonayso dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Israel ayaa sii waddo weerarada ay ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah, xilli ay xaaladda gobolku u muuqato mid aad u kacsan.

Weerarada ka dhanka ah goobaha ay rayidku gabaadsanayaan ayaa khasaaraha shacabka aan hubeysneyn ka dhigtay mid aad looga naxo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in 72-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 119 qof, halka 209 kalena ay dhaawaceen.

Wasaaraddu waxay sheegtay in muddada uu socdo dagaalka Gaza ay Israel dishay 41,391 qof, 95,760 kalena ay dhaawacmeen, kuwaa oo dhammaantood ah shacab aan waxba galabsan, una badan dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc