Ku dhawaad 20 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa maanta lagu dilay duqaymo ay Ciidamada Israel ka gaysteen qaybo ka mid ah Marinka Gaza.
Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii Ciidanka Cirka Israel ay garaaceen dhismayaal ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Meydadka iyo dhaawacyada dadkan ayaa la geeyay Isbitaalka Al-Awda, sida lagu sheegay war uu soo saaray maamulka isbitaalkaasi.
Ciidanka Cirka Israel ayaa burbur xoog leh u gaystay daarta dheer Ain Jalout ee bartamaha Marinka Gaza.
Telefishinka Al Jazeera ayaa ku waramay in ugu yaraan saddex meyd laga soo saaray dhismahaasi, oo ahaa mid la deganaa, ka dib duqaynta Israel.
Goobjoogeyaal ayaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in duqaynta ka dhacday taawarka Ain Jalout uu sidoo kale ku dhaawacmay sawir qaade lagu magacaabo Mahmoud Eki.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof lagu dilay, dhowr kalena lagu dhaawacay duqayn kale oo Israel ka fulisay xaafadda Sheikh Radwan ee Magaalada Gaza.
Sidoo kale duqayn ka dhacday guri ku yaala xaafadda Al-Daraj ee Magaalada Gaza ayaa waxaa ku dhintay hal qof, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza waxay sheegtay “Duqayn kale oo Israel gaysatay ayaa lagu bartilmaameedsaday hoyga qoyska Abu Jazer oo ku yaala agagaarka Al-Alami ee xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza. Duqaynta waxaa ku dhintay afar qof, tiro kalena way ku dhaawacantay.”
Duqaymahan xiriirka ah ayaa dabo socdo duqayn kale oo xalay Israel ka gaysatay guri la deganaa oo ku yaala xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo lagu dilay saddex qof oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Isla xalay duqayn ay ku dhinteen afar qof, 15 kalena ay ku dhaawacantay ayay Israel ka gaysatay agagaarka Masjidka Tala’a ee xerada Nuseirat.
Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza ayaa dhibane u noqday weerarada xagga cirka Israel ee har iyo habeenba leh.
Israel ayaa si ula kac ah dadka rayidka ah ugu bartilmaameedsaneyso goobaha ka caagan dagaalada, taas oo ka dhigan dembi dagaal.
Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa lagu qeexay mid ka dhan shacabka aan hubeysneyn, sida dunida oo idilba ay qireyso.