Home Wararka Caalamka Israel oo digniintii ugu dambeysay u jeedisay Xuuthiyiinta Yemen

Israel oo digniintii ugu dambeysay u jeedisay Xuuthiyiinta Yemen

by Laacib

Safiirka Israel u fadhiya Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa sheegay in Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ay halis ku yihiin Israel, si la mid ah sida uu yiri Xamaas, Xisbulllah iyo Taliskii Bashar Al Assad ee Suuriya.

Safiirka ayaa xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u jeediyay khudbad uu ku sheegay digniintii ugu dambeysay, oo Israel ay u jeedineyso Ururka Xuuthiyiinta Yemen.

Safiirka ayaa sheegay in Israel aysan colaad kala dhaxeen Yemen iyo shacabkeeda, ha yeeshee ay Xuuthiyiinta u aragto khatar cusub oo ka dhan ah jiritaankeeda.

“Xuuthiyiinta waxay halis ku yihiin Israel, si la mid ah Xamaas, Xisbullah iyo Taliskii Bashar Al Assad ee dhacay.” Ayuu yiri Safiirka.

“Israel waxay uga digeysaa Xuuthiyiinta khatarta ay wadaagaan Xamaas iyo Xisbullah.” Ayuu yiri Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey oo ku hanjabay in Tel Aviv ay jawaab adag ka bixin doonto kororka weerarada uga imanaya Xuuthiyiinta.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Israel aysan aqbali doonin weerarada ay Xuuthiyiinta ku qalqalgelinayaan ammaankeeda.

“Haddii Xuuthiyiinta ay ku adkeystaan inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Israel, markaasi dalkaygu wuxuu ka bixin doonnaa jawaab adag.” Ayuu yiri Danny Danon.

Waxa kaloo uu yiri “Xuuthiyiinta waxay mari doonaan dhabihii ay mareen Xamaas, Xisbullah iyo taliskii hore ee Suuriya. Tani ha noqoto digniintaadii u dambeysay. Waa ballan waxaad nasiib xumada la wadaagi doontaan Xamaas iyo Xisbullah.”

Dhanka kale Danny Danon ayaa Dowladda Iran uga digay taageerada militari ee ay siiso Xuuthiyiinta Yemen ee loo adeegsanayo sida uu yiri waxyeeleynta muwaadiniinta Israel.

“Israel waxay awood u leedahay in ay weerarto bartilmaameed kasta oo Bariga Dhexe ah oo ay ku jirto Iran.” Ayuu yiri Danon oo ku goodiyay in Israel aysan u dulqaadan doonin weerarada ay gadaal ka taagan tahay sida uu yiri Iran.

Danon ma soo hadal qaadin dadka rayidka ah ee ay ciidamadooda ku leynayaan Marinka Gaza, aan ka ahayn in Israel ay waddo hawlgal ay ku ciribtireyso Ururka Xamaas.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weeraradooda, illaa laga dhameeyo dagaalka Gaza iyo go’doominta saaran.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc