Maamulka Israel ayaa diiday in dib loo furo Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza, ka dib markii ciidamadooda ay gubeen Jimcihii.
Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israel ayaa daabacay in Tel Aviv aysan ogolaan doonin in la soo celiyo adeeggii caafimaadka ee isbitaalku uu bixinayay.
Wargeyska ayaa Militariga Israel ka soo xigtay in walaac dhanka amniga awgiis aysan u ogolaan doonin xarunta daryeelka caafimaadka ee waqooyiga Gaza inay dib u shaqeyso.
Ciidamada Israel oo 27-kii bishan xoog ku galay isbitaalkaasi ayaa si khasab ah uga daadgureeyay shaqaalihii caafimaadka iyo bukaankii ku sugnaa.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay in ay dab qabadsiiyeen qolalka qaliinka, qaybta gargaarka degdegga ah iyo qaybtii kale ee shaybaarka ee isbitaalkaasi.
Militariga Israel ayaa sheegay in isbitaalku uu saldhig u ahaa Xamaas, taasna ay ka dambeysay weerarka ay ku qaadeen.
Ciidamada Israel ayaa xabsiga u taxaabay Agaasimihii Isbitaalka Kamal Adwan, Hussam Abu Safiya iyo qaar ka mid ah shaqaalihii caafimaadka ee ka hawlgalayay.
Militariga Israel ayaa Sabtidii sheegay in Hussam Abu Safiya ay uga shakisan yihiin in uu ka tirsan yahay Xamaas.
“Ciidanka Difaaca Israel ayaa soo geba-gabeeyay hawlgal lagu bartilmaameedsaday isbitaal ay Xamaas u adeegsan jirtay goob ay ka maamusho hawlgaladeeda militari.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Militariga Israel.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay ka argagaxeen weerarkan, oo sida ay sheegtay waqooyiga Gaza ka dhigay meel aan isbitaal lahayn. Hay’adda ayaa sheegtay in isbitaalkan uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ka shaqeynayay dhulkaasi.
Ciidamada Israel iyo taangiyadooda ayaa ku sugan waddooyinka soo gala isbitaalkan oo ku yaala deegaanka Beit Lahiya, mana jirto cid tagi karta.