Home Dhacdooyin Israel oo fara-gelintii ugu weyneyd ku hayso dalka Suuriya

Israel oo fara-gelintii ugu weyneyd ku hayso dalka Suuriya

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa weeraro ballaaran ka gaystay guud ahaan dalka Suuriya, iyagoo meelaha ay beegsadeen ay ka mid yihiin saddex garoon diyaaradeed iyo kaabeyaal kale oo militari, oo ay ku jirto Caasimadda Dimishiq.

Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasho ee KAN ayaa ku warantay in saacadihii la soo dhaafay la weeraray in ka badan 250 bartilmaameed oo ku yaala Suuriya. Kan ayaa hawlgalkan ku sheegtay kiisii ugu weynaa ee taariikhda Ciidanka Cirka Israel ka fuliyaan dalkaasi.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegtay inay diiwaangeliyeen in ka badan 100 weerar oo Israel ay ka fulisay gudaha dalkaasi.

Kooxda waxay sheegtay in meelaha kale ee la duqeeyay ay ku jiraan xeryo ciidan iyo weliba xarumo cilmi baaris, oo lala xiriiriyay wax soosaarka hubka kiimikada.

SOHR ayaa sheegtay in laba qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqayn ay Israel ka gaysatay gobolka koonfurta dalkaasi ku yaala ee Daraa ama Darca.

Militariga Israel ayaa sheegay inay wadaan weeraro xagga cirka oo looga hortagayo in hubka kiimikada uu gacanta u galo, waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar dambe sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan ah, si Israel ay u adkeyso ammaankeeda.

Israel ayaa Isniintii bilowday in si aan looga baran ay u garaacdo gudaha Suuriya maalin uun ka dib, markii ay meesha ka baxday dowladdii dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay ka walaacsan tahay in Ururka Daacish uu dib ugu soo xoogeysto dalka Suuriya.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in laga hortago Daacish, isla-markaana aan loo ogolaan inay dib ugu soo laabato dalkaasi.

Axaddii, Ciidamada Israel ayaa dhul hor leh ka qabsaday dalka Suuriya, ka dib markii ay ka soo gudbeen fariisimihii ay ku lahaayeen Buuraleyda Golan ee Suuriya laga haysto.

Ciidamada Israel ayaa saldhig cusub ka sameystay xuduudda gudaha Suuriya ee ay horey Qaramada Midoobey ugu aqoonsatay aag ka caagan militariga.

Israel ayaa sheegtay in tallaabadan ay u qaadday, iyadoo baqdin ka qabta weeraro uga yimaada kooxaha hubeysan ee dalkaasi la wareegay.

Israel ayaa Buuraha Golan ee Suuriya ku qabsatay dagaalkii ay sanadkii 1967-kii la gashay dalalka Carabta, iyadoo tan iyo xilligaana haysatay.

Dhulka ay haatan Israel ka qabsatay dalka Suuriya ayaa loo fasirtay mid ay gumeysi cusub ku gelineyso dalkaasi, waxayna tani walaac ku abuurtay dad badan oo Suuriyaan ah, kuwaa oo su’aal iska weydiinaya, sida ay Israel dalkooda uga bixi doonto.

Israel dhul way qabsataa mooyee ee kama baxdo, haddii aanay la kulmin cadaadis militari iyo saamayn siyaasadeed oo xoog leh.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc