Ciidamada Israel ayaa dib u soo cusbooneysiiyay hawlgalkii militari ee xaafadda Shejaiya ee bariga Magaalada Gaza, ka dib dhowr bilood oo xaafaddaasi ay ka maqnayeen, inkastoo diyaaradaha dagaalka Israel ay si joogto ah uga gaysanayeen weeraro xagga cirka ah.
Ciidamada Israel oo gacan ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa Khamiistii ku laabtay xaafaddaasi, waxaana halkaasi laga soo sheegaya in dagaalo culus ay ku dhex marayaan Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas oo kaashanaya kuwa Islamic Jihaad.
Ka hor inta aysan Ciidamada Israel gudaha u gelin xaafadda ku taala bariga Magaalada Gaza ayaa waxaa duqaymo baahsan ka gaystay diyaaradahooda dagaalka, taas oo dadkii deganaa ku khasabtay in intooda badan ay isaga cararaan.
Militariga Israel iyo taangiyadooda ayaa gudaha u galay xaafaddaasi, waxayna tani keentay in Shejaiya ay noqoto furinta labaad ee dagaalka Marinka Gaza. Rafah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ahayd furinta keliya ee sida tooska ah uu dagaalka Marinka Gaza uga soconayo.
Dadka rayidka ah ee ku go’doonsan Shejaiya ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay gudaha ugu jiraan aagga bari ee Shejaiya, oo aan sidaasi uga fogeyn xeendaabka Marinka Gaza iyo Israel.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalo culus ay maalintii labaad ka soconayaan bariga xaafaddaasi.
Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa sheegay in xoogagooda ay durbaba burburiyeen qaar ka mid ah taangiyada ay wataan Ciidamada Israel.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in sababta ay ciidamadu ugu laabteen xaafaddaasi ay tahay, iyadoo ay dib ugu soo xoogeysteen sida ay sheegeen dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.
Taliska ayaa dadka rayidka ah faray in ay banneeyeen qaybaha Shejaiya, iyagoo sheegay in laga fulin doono hawlgalo lagaga sifeynayo kooxaha wax iska caabinta.
Waa markii saddexaad oo Ciidamada Israel ay hawlgal ka bilaabaan xaafaddaasi, tan iyo markii uu dagaalku qarxay, 7-dii bishii October.
Ciidamada Israel ayaa labadii jeer ee hore lagu khasbay in ay isaga baxaan xaafaddaasi, ka dib dagaalo lagu riiqmay oo ay la galeen Xoogaga Xamaas, inkastoo taliskoodu uu sheegay in ay ka suuliyeen xoogagaasi.
Israel ayaa furtay furintan dagaal, iyadoo ay weli si buuxda u hortaagan tahay in gargaarka bani’aadantinimo u gaaro Marinka Gaza.
Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa maalmo uun ka dib, markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku dhawaaqay in hawlgalka dhinaca dhulka ay ciidamadiisu ka wadaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza uu ku dhow yahay in la soo geba-gabeeyo.
Tan iyo bilowgii duulaanka Israel ee Marinka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 37,765 qof, halka dhaawacuna uu sii caga-cageynayo 86,429 qof.