Madaxa Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee Falastiin, Ajith Sunghay ayaa walaac xoogan ka muujiyay amarka cusub ee ay Israel guryahooda uga barakacineyso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa shacabka ku amray in ay banneeyaan deegaanka Khan Yunis iyo nawaaxigiisa.
Ajith Sunghay ayaa war ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in tani ay u badan tahay inay ka dhalan doonto barakac ballaaran, rafaad iyo kala fogaansho qoys.
Warka ayaa lagu muujiyay in awaamiirtan ay kaga sii dareyso uun masiibada bani’aadantinimo ee ay markii horeba Israel ka abuurtay Marinka Gaza.
Dadka reer Khan Yunis ayaa hadda si xoog leh uga barakacaya deegaankaasi, sababo ku aaddan diyaaradaha dagaalka Israel oo duqaymo xoogan ka wada.
Taliska Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah ku wargeliyay inay taggaan deegaanka Al-Mawasi, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Khan Yunis iyo Rafah.
Dhanka kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Stephane Dujarric ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay barakaca ballaaran ee ka bilowday Khan Yunis.
“Waxay muujineysaa mar labaad in aysan jirin meel nabdoon oo ku taala Marinka Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.
Afhayeenka ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka ay ku adag tahay inay kaalmada bani’aadantinimo gaarsiiyaan dadka u baahan, sababtoo ah xanibaadaha joogtada ah ee Ciidamada Israel.
Waxa uu sheegay inaysan suurtagal ahayn in gargaarka uu si caadi ah uga soo gudbo Isgoyska Kerem Shalom ee xadka Israel iyo Marinka Gaza, waana xilli xaalad adag oo bani’aadantinimo ay ka jirto qaybaha Marinka Gaza oo dhan.
“Dadaal dheeri ah ayaa loo baahan yahay in la sameeyo, si loo ilaaliyo rayidka. Gaza waa in si joogto ah loo taggo.” Ayuu yiri Stephane Dujarric.
Is hortaagga Israel ee raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ayaa ka dhigtay, waxa ay maanta ugu baahida badan yihiin dadka reer Gaza.
Hindisihii Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta dagaalka Gaza ayaa u muuqdo mid ka fuli waayay dhanka Hoggaamiyaha Israel.
Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in dagaalku uu sii socon doono, illaama ay Israel ka xaqiijineyso saddexdii hadaf ee ay ugu duushay Marinka Gaza.
Haddii Ciidamada Israel ay hadda ku laabtaan Khan Yunis ayaa waxay ka dhigan tahay in Israel ay furintii saddexaad oo dagaal ah ka furtay Marinka Gaza.
Furinta ugu weyn ee dagaalka Marinka Gaza ayaa ka soconaya deegaanka Rafah ee cirifka koonfueed ee Marinka Gaza, iyadoo furinta labaadna ay tahay xaafadda Shejaiya ee bariga Magaalada Gaza, halkaas oo Ciidamada Israel ay Khamiistii dib ugu laabteen.
Shejaiya ayaa waxaa dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ka soconayay dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas oo garabsanaya kuwa Islamic Jihaad.
Taliska Militariga Israel ayaa ku andacoonaya in xaafaddaasi ay dib ugu soo xoogeysteen dagaal-yahanada Falastiiniyiinta, sidaasi darteedna ay ka sifeyn doonaan.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo bilowgii dagaalka ay gaartay 37,925 qof, halka 87,141 kalena ay ku dhaawacmeen.