Home Dhacdooyin Israel oo garaacday goobo ay ka mid tahay Caasimadda Yemen ee Sanca

Israel oo garaacday goobo ay ka mid tahay Caasimadda Yemen ee Sanca

by Laacib

Israel ayaa maanta weeraro is xigxigay oo xagga cirka ah ku qaadday Magaalada Sanca iyo goobo kale oo ku yaala dalkaasi Yemen, iyadoona ay jiraan dad rayid ah oo ku dhintay.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay laba xarumo koronto oo ku yaala Magaalada Sanca, laba ka mid ah xarumaha saliidda ee Ras Issa iyo Dekedda Saleef oo labaduba ku yaala gobolka galbeed ee Hudaydah.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta Yemen ku hadla ee Al Masirah ayaa sheegay in sagaal qof ay ku dhinteen duqaymaha xoogan ee ay Israel ka gaysatay dalkaasi. TV-ga ayaa ku waramay in dhibaneyaasha ay yihiin dad rayid ah.

War ka baxay Al Masirah TV ayaa lagu sheegay in cadowgu uu beegsaday xarumaha korontada ee koonfurta iyo waqooyiga ee Caasimadda Sanca.

Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa sidoo sheegtay in afar weerar lagu qaaday Hudaydah, iyadoo laba ka mid ah lala eegtay xarunta saliidda ee Ras Issa, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen qaar ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay weerareen kaabeyaasha militari ee Xuuthiyiinta, ka dib markii ay sheegeen in ururku ay saqdii dhexe ee xalay gantaal ku soo weerareen bartamaha Israel, gantaalkaas oo sida ay sheegeen la soo riday.

Xuuthiyiinta ayaa aroornimadii hore ee saaka sheegay in ay fuliyeen hawlgal ay ku bartilmaameedsadeen laba xarumo militari oo xasaasi ah, oo mid ka mid ah ay ku taalo koonfurta Tel Aviv.

Daniel Hagari, Afhayeenka Militariga Israel ayaa sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay si sax ah u garaaceen bartilmaameedyada militari ee ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin dalkaasi. Ururkan ayaa maamula inta badan dalka Yemen.

Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa xusay in Xuuthiyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ka gaysanayaan gudaha Israel, ficiladaas oo sida uu yiri xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah.

Hagari ayaa ku goodiyay inaysan Israel gacmaha ka laaban doonin weerarada kaga imanaya Xuuthiyiinta, isla-markaana ay wiiqi doonaan ururkaasi.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa tan iyo daba-yaaqadii sanadkii hore weeraro ku haya maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedahooda, iyagoo markaasi ka jawaabaya xasuuqa baahsan ay Israel ka waddo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii sanadkan bilaabay inay gantaalo ku weeraraan hadafyada militari ee gudaha Israel, si culeyska loogu kordhiyo Israel, una joojiso gumaadka ay ku hayso dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc