Dad rayid ah ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay xalay garaaceen Dugsiga Halimah Al-Saadiyah ee waqooyiga Marinka Gaza.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in sideed qof ay ku dhinteen, 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday dugsigan oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia.
WAFA ayaa sheegtay in dadkan ay ka mid ahaayeen qoysaska sida khasab ahi looga soo barakaciyay guryahooda ee halkaasi u soo doontay gabaadka.
Israel oo war ka soo saartay duqayntaasi ayaa sheegtay in weerarka lagu bartilmaameedsaday kooxaha argagixisada, oo sida ay sheegtay ku sugnaa dhismaha iskuulkaasi.
Shan qof oo kale ayaa lagu dilay duqayn aroornimadii hore ee saaka loo gaystay dhisme la deganaa oo ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.
Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah ayaa Jimcihii lagu dilay duqaymaha Israel ee ka sii socda Marinka Gaza, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaad.
Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalka Israel ee Gaza ayaa ah dadka rayidka ee badbaadada u soo raadsaday kaabeyaasha dadweynaha.
Laba milyan oo ka mid ah bulshada ku nool Marinka Gaza ayaa lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan, tan iyo markii uu dagaalku bilowday. Barakacinta khasabka ayaa ah wax sharci darro ah, marka loo eego shuruucda caalamiga ah.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa nooc kasta oo dembi dagaal ah ka gaystay Marinka Gaza, taasoo khasaaraha rayidka ka dhigtay mid aad looga argagaxo.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 11-ka bilood ee dagaalka uu socday ay Ciidamada Israel dileen 40,878 qof oo dad rayid ah, 94,454 kalena ay dhaawaceen.